4068 Views

Doorashada awgeed ammaanka Magaalada Muqdisho & Iyadoo wadooyin oo xirirxirmay

Doorashada awgeed ammaanka Magaalada Muqdisho & Iyadoo wadooyin oo xirirxirmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | February 05, 2017  – Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadooyinka waaweyn ee caasimada dhexmara, iyadoo jidcadyaasha qaar lagu jaray dhagxaan iyo caro fara badan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa u sheegay Horumar.com in loo diyaargaroobayo qorshaha suggida ammaanka Magaalada Muqdisho oo maalinta Arbacada ah ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha dalka.

Wadooyinka dhexmara xaafadaha Muqdisho, ayaa lagu arkayaa dhagxaan waaweyn oo lagu jaray iyo caro fara badan oo lagu gooyay jidcadyaasha, goobahaasi kuma arkeysid wax ciidan ah, balse waxaa yaalla oo kaliya carada iyo dhagxaanta oo aysan suuragal aheyn in gaariga uu maro.

Isgoysyada waaweyn ee Muqdisho ayaa la soo dhoobay ciidamo badan oo Boolis iyo Nabad Suggida isugu jira, halka xayndaabka Madaxtooyada lagu arkaayo ciidamo Millateri Koofi gaduud ah oo amniga madaxtooyada adkeynaya.

Iyadoo sidaasi Hay’adaha kala duwan ee dowladda ay u adkeeyeen ammaanka ayaa waxaa jirta cabsi badan oo ka taagan Muqdisho, taasi oo la xiriirta inay dhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Al-Shabaab ayaa todobaadkaan waxa ay ku hanjabeen in Muqdisho ay ka fulin doonaan qaraxyo tankooda uu culus yahay, xilli muddooyinkii dambe qaraxyada Shabaab ay ka geystaan Muqdisho ay ahaayeen kuwa aad u culus.

Dadweynaha ku nool Muqdisho ayaa dareemaya cabsida la xiriirta ammaanka, waxaana la arkayaa dadka oo ka feejigan gaadiidka waaweyn ee xamuulka ah iyo kuwa yar yar intaba.

.

.

________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment