3216 Views

Duqa Muqdisho: ”Laga billaabo berito maqribkii way xiran yihiin waddooyinka Muqdisho”

Duqa Muqdisho: ”Laga billaabo berito maqribkii way xiran yihiin waddooyinka Muqdisho”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | February 5, 2017 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa Saxaafadda u sheegay in la xiraayo wadooyinka Magaalada Muqdisho, sidoo kalena la xadidaayo dhaqdhaqaaqa dadweynaha Muqdisho.

Duqa Muqdisho, ayaa sheegay laga bilaabo beri maqribkii inay xiran yihiin wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayna sii xirnaan doonaan maalmaha Talaadada iyo Arbacada ee ina soo aadan.

Waxa uu sheegay ujeedada wadooyinka loo xiraayo inay tahay suggida ammaanka Magaalada, maadaama Arbacada ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Somaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay Hay’adaha Waxbarashadainay fasaxaan Iskuulaadka iyo Jaamacadaha, maadaama Ardayda aysan aadi karin waxbarashada, mar hadii la xiraayo wadooyinka Magaalada Muqdisho.

”Berrito oo Isniin ah saacada markii ay tahay 6:00 maqribnimo wixii ka dambeeya isu socodka Muqdisho aadbaa loo xadidi doonaa waa maalinta Talaadada ah iyo maalinta Arbacada ah.” Ayuu yiri duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf ayaa ugu baaqay Bulshada Somaliyeed inay u dulqaataan xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho oo ah maalmo kooban oo dalka doorasho Madaxweyne ay ka dhaceyso.

Si kastaba, shacabka reer Muqdisho ayaa markii horeba dhib weyn ku qabay xirnaanshaha wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, taasi oo iminka ay u sii dheer tahay labo cisho oo wadooyinka ay xirnaanayaan.

.

Xigasho: Horumar Online

_____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment