3090 Views

Prof. Galeyr oo loo diiday inuu ka dhoofo magaalada Buuhoodle

Prof. Galeyr oo loo diiday inuu ka dhoofo magaalada Buuhoodle
____________________________________________________________________________

Buuhoodle | February 5, 2017 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle, ayaa sheegaya in la xanibay Diyaarad uu ku safri lahaa Hogaamiyaha maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr.

Diyaarada uu ku socdaali lahaa Cali Khaliif, ayaa waxaa is hortaagay Maleeshiyo beeleed isku uruursaday gegida dayuuradaha ee magaaladda Buuhoodle.

Madaxweyne Cali Khaliif, ayaa xiligaasi kusii jeeday magaaladda Jabuuti oo ugu socdaalaayay arrimo la xiriira maamulkiisa.

Diyaarada Cali Khaliif ayaa la xanibay dhowr saac, waxaana iminka la sheegayaa in xanibaad kadib dib loo fasaxay diyaarada.

Maleeshiyaadka xanibaada sameysay ayaa la sheegay inay ka amarqaadanayeen nin lagu magacaabo Cabdifataax Baydan kaa oo sheegtay inuu yahay Taliyaha ciidanka difaaca Buuhoodle.

Ciidankaasi oo hub watay ayaa garoonka galay oo xannibay diyaaradii qaadi lahayd Cali Khaliif iyo wafdigiisa .

Madaxweyne Cali Khaliif ayaa caqabado kala duwan kala kulmaaya Siyaasada Soomaaliya, waxaana isku baheysanaaya Dowlada Soomaaliya, maamullada Puntland iyo Somaliland.

.

.

.

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment