4044 Views

48 saac ka hor doorashada, niyad jab ka muuqda qaar ka mid ah musharixiinta

48 saac ka hor doorashada, niyad jab ka muuqda qaar ka mid ah musharixiinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho  February 6, 2017 – Muddo ku dhow lix bilood ayaa olole soo socday, waxaana hadda harsan kaliya wax ka yar 48 saac ka hor inta aan la qaban doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, hase yeeshee musharaxiinta qaar ayaa u muquda inay rajadooda sii yaraaneyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Danjire Ameeriko, Cumar Cabdirashiid iyo Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka mid ah musharaxiinta dadaalka ugu badan wada saacadihii ugu dambeeyey, hase yeeshee xaalka Shariif Sheekh Axmed ayaa u muuqda mid mugdi kusoo dhammaanaya.

Shariifka oo xalay qeyb ka ahaa dhowr musharax oo la kulmay 130 xildhibaan, ayaa wax natiijo ah oo wanaagsan ka gaarin, waxaana hadda muuqata inay adkaan karto in xitaa uu soo dhaafo wareegga koowaad ee doorashada.

Shariifka waxa uu horey u sheegay in 100% uu ku kalsoon yahay inuu noqon doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, hase yeeshee dadka ololihiisa ku dhow waxay ku warramayaan in marka lagu soo dhawaado doorashadaba uu sii ballaaranayo niyad jabka ololaha madaxweynahii hore ee Soomaaliya.

“Waxaan ka mid ahaa xildhibaanadii xalay la kulmay, laakiin xaqiiqda ma maqal wax la taaban karo oo Shariifka aan ugu codeeyo, arrintan ma ahan oo kaliya mid aniga igu kooban, balse waa fikirka xildhibaano badan oo aan saaxiibno nahay ay uu muujiyeen” Waxaa sidaas yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online.

“Waxaan sameyneynaa wax walba oo aan codadka ku kasban karno, balse dhibka jira ayaa ah in 23 musharax ay ku loolamayaan codadka 329 xildhibaan oo labada aqal ah, haddii taas la qeybiyo musharaxiiba waxaa kusoo aadaya 15 cod wax ku dhow” Waxaa sidaas yiri qof ku dhow ololaha Shariifka.

Waxa uu sheegay in had ay haystaan codadka la isku haleyn karo ee illaa 30 xildhibaan, hase yeeshee tiradaas ayaan ku filnaan doonin Shariifka inuu wareegga koowaad kaga soo gudbo.

“Haddii musharaxiinta kale ee iyagana helin codad badan waa uu kasoo gudbi karaa wareegga koowaad, laakin waxaa xaqiiq ah in Xasan Sheekh, Farmaajo, Cumar Cadbirashiid, Jabriil iyo Ameeriko ay saddex ka mid ah heli karaan in ka badan 30 cod, taasi oo Shariifka u diideysa inuu soo dhaafo wareegga koowaad” Waxaa sidaas yiri Xaaji Xasan Cabdullahi oo ka mid ah dadka siyaasadda u dhuun daloola ee Muqdisho ku sugan.

Dhinaca kale, Shariifka oo horey u helay taageerada qaar ka mid ah xildhibaanada xisbiga Daljir, ayaa wax is-beddel wanaagsan ah usoo kordhin, maadaama aysan xitaa baarlamanka ka ahayn toban xildhibaan.

.

.

.

Xigasho: Caasimada Online

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment