3726 Views

Musharaxiinta mucaaradka oo diiday in ay la kulmaan Xasan Sheekh

Musharaxiinta mucaaradka oo diiday in ay la kulmaan Xasan Sheekh
____________________________________________________________________________

Muqdisho | February 6, 2017 – Warar na soo gaaraya, ayaa waxay sheegayan in caqabad ay la soo deristay olalaha uu Magaalada Muqdisho ka wado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka mid ah saddex iyo labaatanka musharax ee u sharaxan jegada madaxtinimada dalka.

Tani, ayaa soo ifbaxday, ka dib markii musharaxiinta mucaaradka ay ka horyimaadeen in ay la kulmaan Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo sababtana loo maleynayo is bedel ay doonayan musharaxiinta.

Xafiiska Madaxweynaha, ayaa maalmihii la soo dhaafay ku hawlanaa sidii uu musharaxiinta kaga dhaadhicin lahaa, bal in ay kulamo la yeeshaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo ay taasi u muuqato mid aan u cuntamin musharaxiinta.

Xubin ka tirsan musharaxiinta, ayaa bogaadiyay diidmada ay musharaxiinta ka muujinayan la kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona rajeynaya in aanu is bedel ku imaan mowqifka ay hadda ku taagan yihiin.

“Illaa iyo hadda si wanaagsan bay ku socotaa shaqada musharaxiinta, waxaana ka rajeynaya in sidaan ay ku sii wadi doonaan shaqadooda, oo aysan marnaba wax kulan ah la qaadan Xasan Sheekh Maxamuud.” Ayuu yiri musharaxan oo la hadlay Horumar.com, kana gaabsaday in magaciisa la xuso.

Wuxuu intaa raaciyay “Taasi waxay marqaati ka tahay sida musharaxiinta ay kaga g’an tahay in is bedel dhab ah uu ku yimaado hogaanka dalka, maadaama kooxda Xasan Sheekh Maxamuud ay ku fashilmatay hogaaminta dalka, afartii sano ee ugu dambeysay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hujuum wayn kala kulmaya musharaxiinta kuwooda ugu fir fircoon, ayaa waxaa yoolkiisa lagu sheegay in uu doonayo isbahaysi uu abuuro, si uu ugula dagaalamo musharaxiinta uu culeyska ka haysto.

Xeer dheere-yaasha, ayaa kuu sheegaya haddii ay midnimo muujiyan musharaxiinta mucaaradka, in ay hubinti tahay in daaqadda ka saari doonaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo xertiisa, Dam Jadiid.

Haddii ay kala daadsaan muujiyan musharaxiinta maalinta doorashada, ayaa waxaa markaasi loo badinaya in Xasan Sheekh Maxamuud uu mar labaad ku soo laaban doono Xafiiska Madaxtooyada.

Musharaxiinta mucaaradka, ayaa hal daraf ka taagan dhaliisha ah, in Madaxweyne Xasan iyo xertiisuba ku fashilmeen saaxada siyaasadda dalka, tan iyo September 10, 2012, laakiin su’aashu waxaa weeye maku taagnaan doonaan aragtidoodaasi mise waxbaa iska bedeli doona February 8, 2017?

.

.

Xafiiska Warark Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment