3366 Views

VIDEO: Odayaasha beelaha Soomaaliyed oo bayaan ka soo saaray doorashada

VIDEO: Odayaasha beelaha Soomaaliyed oo bayaan ka soo saaray doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Februray 6, 2017 –  Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kuLan ballaaran oo ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed kaasoo looga hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya xaalada dalka.

DAAWO

Odayaasha ka qeyb galay kulanka ayaa si weyn u cambaareeyey faragelin la sheegay in dowlada Itoobiya ku heyso doorashada madaxweynaha Somalia, waxayna odayaashu sheegeen in Somalia ay tahay dal madax banaan oo isku filan, iyagoo Itoobiya uga digay fara gelinta ay wado iney joojiso, isla markaana ku ekaato xalinta arrimaha ka taagan gudaha dalkeeda, iyagoo xildhibaanada baarlamanka ugu baaqay iney ku shaqeeyaan rabitaanka shacabka Soomaaliyed, aysana dheg jalaq u siin damaca Itoobiya.

Waxa kulankaas laga sheegay baahida weyn ee loo qabo in isbedel ku yimaada hogaanka dowlada Somalia, iyagoo dhinaca kale baaq ka soo saaray sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha ba’an ee laga soo sheegayo gobolada dalka qaarkood.

Odayaasha ka hadlay kulankaas waxaa ka mid ahaa Caaqil C/llaahi Geeddi Shadoor, Ugaas Maxamed weli, Abuukar Ganey, Ugaas Cabdi Daahir iyo qaar kale oo fara badan, waxaa kulankaas laga soo saaray Bayaan u qornaa sidatan:-

Ujeedo Baaqii 4aad oo ay soo saareen Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed

Sida aad la wada socotaan dalka waxaa ka socda doorasho logu tar-tamayo hogaanka dalka waxaana inoo suurta gashay in aan dhisno laba aqal oo kala ah Golaha shacabka iyo aqalka sare, dhismaha labada golane waxay caddeynaysaa in ummadda Soomaaliyeed ay ku guuleysatay inay dhistaan Hogaan ay raali ka yihiin ,kuna yimaada hab-raaca doorashada dalka u yaalla, kuna dhisan cadaalad ,sinaan iyo xilkasnimo .

Walaalayaal, mudanayaal, waxaan maqlay ama na soo gaartay in labada gole dhaxdooda ay ka socoto loobin ay ka shaqeynayaan gacmo shisheeye oo ay hormuud u tahay dowlada Ethiopia oo ay leeyihiin, waxaa la dooranayaa hebel waxaana la diidayaa hebel, waxaana la dooranayaa reer hebel, waxaana la diidayaa reer hebel.

Haddaba haddii aan nahay ummadda soomaaliyeed, waxaan kalsooni buuxda ku qabnaa Golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana ka rejeynayenaa inay badbaadiyaan madax banaanida sharafta iyo qaranimadda ummdda soomaaliyeed anagoo og inaad karti u leedihiin inaad ummadda Soomaaliyeed ka badbaadisaan damaca shisheeye oo ah kuwa aan kor ku soo sheegnay.

Talo soo jeedin beesha caalmka

Qodobka 1aad : dowladaha deriska ah waxaan abaal uga heynaa cid kasta oo bur-burka ka dib gacan siisay ummadda Soomaaliyeed haddii ay ahaan laheyd dhinaca qaxootiga iyo dhinaca amniga IWM .waxaase rabnaa inaan xusuusino inaysan ummadda Soomaaliyeed marnaba gorgortan ka galeynin madaxbanaanidooda iyo qaranimadooda.

Talo soo jeedin ku socoto dowladaha daneeya arimaha soomaaliya .

  1. Midowga Africa
  2. Jaamacadda carabta
  3. Qaramada midoobay
  4. Midowga yurub
  5. Dowlada maraykanka
  6. Boqortooyada ingiriiska
  7. Dowlada turkiga
  8. Ururka dowladaha islaamka.

Dhamaantood waxaan ka codsaneynaa haddii aan nahay ummadda Soomaaliyeed inay ka hortagaan damaca siyaasadeed ee dowladaha deriska ah Qaarkood ku hayaan ummadda soomaaliyeed, damacaas oo ah mid aan wax dhisaynin ee wax burburinaya

Baaq ujeedin ummadda soomaaliyeed

Ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa inay iska hilmaamaan khilaafaadka dhaxdooda yaalla, una midoobaan difaaca qaranimada madaxbanaanida ummadda Soomaliyeed .

F.G Qof kasta oo soomaali ah rag iyo dumar gudaha iyo dibada ha joogeene waxaa xil ka saran yahay difaaca qaranimada madax-banaanida ummadda Soomaaliyeed.

Wabilaahi towfiiq

Bayaankaan waxaa ku wada saxiixan 26 oday dhaqameed oo metelaya beelaha Soomaaliyeed.

.Dhaqanka-Som-16 Dhaqanka-Som-15 Dhaqanka-Som-14 Dhaqanka-Som-13 Dhaqanka-Som-12 Dhaqanka-Som-11 Dhaqanka-Som-10 Dhaqanka-Som-9 Dhaqanka-Som-8 Dhaqanka-Som-7 Dhaqanka-Som-6 Dhaqanka-Som-5 Dhaqanka-Som-4 Dhaqanka-Som-3 Dhaqanka-Som-2 Dhaqanka-Som-1

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment