2982 Views

Faroole oo ka tanaasulay musharaxnimadiisa

Faroole oo ka tanaasulay musharaxnimadiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | February 7, 2017 – Musharrax Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Xildhibaan Aqalka Sare ee dalka, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay musharaxnimada Madaxweyninimo ee Somaliya.

Mr. Faroole oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in tanaasulkiisa uu ku qotomo arimo ku aadan marxalada dalka uu maraayo iyo inay jiraan musharaxiin badan oo doonaya inay u tartamaan xilka Madaxweyne.

Waxa uu sheegay in fursad uu siinaayo musharaxiinta kale ee doonaya inay dalka hogaamiyaan, isbedelna ay ku keenaan siyaasada Soomaaliya.

Saacadihii ugu dambeeyay ee doorashada Soomaaliya ayaa lagu guda jiraa, waxaana suuragal ah in musharaxiin kale ay ku dhawaaqaan inay tanaasulaan.

Hada waxaa isku soo haray oo Liiska ku jira 22 Musharax, maadaama Faroole uu noqonaayo musharaxii labaad ee ku dhawaaqa inuu ka tanaasulay Musharaxnimada xilka Madaxtinimada Somaliya.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment