6861 Views

Gaas oo Shariif uga baxay heshiiskii iyo weerar uu ku bilaabay Farmaajo

Gaas oo Shariif uga baxay heshiiskii iyo weerar uu ku bilaabay Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | February 7, 2017 – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaalaiya ayaa waxaa ka socda ololihii iyo dadaalladii ugu dambeeyey ee musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayada oo saacad walba ay wax is-bedelayaan, islamarkaana ay abuurmayaan isbaheysiyo cusub.

Sida aan wararkeenii hore ku sheegnay waxaa heshiis is-baheysi galay Puntland iyo Shariif Sheekh Axmed xalay, ayada oo Cabdi Weli Gaas uu isku soo dhoweeyey Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid.

Si kastaba, waxaa iminka soo baxaya in Gaas uu ka booday heshiiskaas, isaga oo ka carreysan ballan-qaad la sheegay in Shariifka uu u sameeyey Farmaajo oo ah inuu siin doono ra’iisul wasaare, haddii loo doorto madaxweynaha cusub.

Ilo-wareedyo ku dhow Gaas, ayaa Horumar.com u sheegay in Gaas uu dareemay in Shariifka uu doonayo inuu hal dhagax laba shimbir ku dilo, islamarkaana uusan isku haleyn karin, taasi oo ku qasabtay inuu heshiiska uga baxo.

Cabdi Weli Gaas ayaa lagu warramayaa inuu isku dayayo inuu xaqiijiyo in Puntland ay hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha midkood.

Dadaalladiisa ayaa waxaa ka mid ah in Farmaajo uusan soo dhaafin wareegga koowaad, isaga oo rumeysan in haddii sidaas ay dhacdo ay taasi dhalin karto inuu helo awood uu ku gorgortamo, kadibna sidaas uu xilka ra’iisul wasaare ku dhaafiyo beesha Majeerteen.

Gaas ayaa hadda taageeraya Cumar Cabdirashiid, hase yeeshee wuxuu doonayaa in codka xildhibaanada Puntland uu kula gorgortamo xilka ra’iisul wasaaraha, haddii Sharmaarke uusan meel wanaagsan gaarin.

Xog kale ayaa iyana sheegeysa in haddii Gaas uu dareemo in is-baheysiga Shariifka iyo Farmaajo uu xoog leeyahay, ay dhici karto inuu deg deg heshiis ula gaaro madaxweyne Xasan Sheekh, isaga kula heshiinaya in xilka ra’iisul wasaaraha la siiyo Puntland.

.

.

Xigasho: Horumar Online

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment