7752 Views

Isbahaysi ballaaran oo ka dhan ah Xasan Sheekh oo ay Musharaxiinta wadaan

Isbahaysi ballaaran oo ka dhan ah Xasan Sheekh oo ay Musharaxiinta wadaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | February 7, 2017 – Xilli Arbacada berrito lagu wado in Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya soo doortaan mid ka mid ah laba iyo labaatanka musharax ee u taagan madaxtinimada dalka, ayaa waxaa la soo sheegaya in musharaxiinta ay ololahoodii ugu dambeeyay ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Mashquul daran, ayaa waxaa laga dareemaya guryaha musharaxiinta, Aqalka Madaxtooyada (Villa Somalia) iyo hoteelada Magaalada Muqdisho qaarkood, oo olole ballaaran ay ka wadaan musharaxiinta.

Mashquulka waxaa xoogiisa laga dareemay Qasriga Villa Somalia iyo guryaha musharaxiinta, iyadoona si wayn loo adkeeyay, loona xoojiyay amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulamo xiriir ah, ayaa waxaa iminka la soo sheegaya in ay u socdaan Xildhibaanada soo dooraneysa madaxweynaha iyo musharaxiinta. Shukaansiga loogu jiro codadka Xildhibaanada waxaa qayb ka ah ballanqaadyo muhiim ah, oo musharaxiintu u samaynayso.

Musharaxiinta faraha badan, ayaa waxaa uu mid kastaa uu dagaal ugu jiraa, sidii uu Xildhibaanada uga heli lahaa taageerada saxda ah ee uu u baahan yahay. Sida muuqata musharaxiintu mowjado mashquula, ayay ku fureen Xildhibaanada.

Xildhibaanada Labada Aqal, ayaa kuu sheegaya in hardanka u dhaxeeya musharaxiinta uu iyagu geliyay mashquul baaxad leh, isla-markaana aanay saadaalin karin shakhsiga ku soo bixi kara doorashada.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa soo sheegaya in booqashada C/weli Gaas uu Axadii ku yimid Magaalada Muqdisho, ay sii xoojisay loolanka u dhaxeeya musharaxiinta.

C/weli Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland oo tan iyo habeenkii Axada kulamo kala duwan la qaatay musharaxiinta iyo Xildhibaanada Labada Aqal qaarkood, ayaa kula dardaarmay in ay ka shaqeeyan is bedel ku yimaada siyaasadda Somaliya.

Musharaxiinta mucaaradka, ayaa waxaa la leeyahay waxaa ka go’an sidii ay is bedel dalka ugu hogaamin lahaayen 8-da bishan, waxaana xalay Magaalada Muqdisho ku midoobay 10 musharax.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya musharaxiinta mucaaradka illaa iyo hadda inaysan wax lacago ahi siinin Xildhibaanada Labada Aqal, sababo ku aadan iyagoo isha ku haya dhaqaalaha uu bixinayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo wareedyo, u warramay Horumar.com ayaa tilmaamaya, in doorashada madaxweynaha sanadkan, ay noqon doonto middii ugu qarashka badnaa ebid, inta ay taariikhda xuseyso.

Sida iska cad doorashadan, ayaan lagu kala bixi doonin wareega 1-aad, iyadoo musharaxiintu isla gaari doonto wareega 2-aad, ayna macquul tahay in illaa wareeg 3-aad ay aad isla gaaraan.

Dadka odoroso siyaasadda dalka oo qimeeyay musharaxiinta ugu cad cad doorashada, ayaa waxaa ay ku kala sheegeen Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, C/qaadir Cosoble Cali, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Khubarada, ayaa qaba in madaxweynaha xigga uu ka imaan doono Beesha Hawiye, marka aad si dhow u fiiriso doorka muuqdo ee ay ku leeyihiin ololaha iminka socda.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment