5016 Views

Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Musharixiinta Xilka Madaxweyne

Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Musharixiinta Xilka Madaxweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Februay 7, 2017 – Shanta Madaxweyne Dowlad-gobaleed Soomaaliya ayaa saameyn xooggan ku leh doroashada madaxweynaha Soomaaliya ee beri dhaceysa, waxaana soo haaca baxaya xiriirka ay la leeyihiin Murashixiinta Madaxweynbaha.

Madaxdan oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa joogitaankooda Muqdisho waxa uu u muuqdaa inuu hal sabab leeyahay, taasi oo ah inay qeyb ka ahadaan dhaqdhaqaaqa Ololaha Murashixiintaasi.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa la filayey inuu maanta  (Talaado) yimaado Muqdisho, balse Ilo-wareed ayaa sheegay inay Shaqsiyaadka u qaabilsan (Protocol)-ka mar hore soo gaareen magaalladda Muqdisho, lana kulmeen Murashax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe waxay wadaagaan dan mideysan, waxayna xiriir lahaayeen tan iyo xilligii Maxkamadaha Islaamka.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Axaddii la soo dhaafay yimid Muqdisho, waxayna ilo ku dhow sheegayaan inuu taageerayo Murashaxnimada Madaxweyne ee Cumar C/rashiid.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Madaxweyne Gaas dhaqaale ku  taageerayo Ololaha Cumar C/rashiid , oo isagana horey Gaas ugu taageeray markii uu u tartamayey Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la soo weriyey inyy taageerayo Murashax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib, markii ay Dowladda Ethiopia dhexdhexaadisay.

Go’aanka uu Shariif Xasan ku taageerayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa timid, kadib, markii uu Shariifka  farsamo ahaan xayiraad kala kulmay Nidaamka Awood-qeybsiga ee 4.5.

Heshiis qarsoodi ah oo labadooda dhex maray waxaa la arki doona waxa uu Shariif Xasan ka yiraahdo in Ra’isul-wasaaraha laga soo xulo Jubbaland iyo Puntland iyo in Ku-xigeenka Duqa Muqdisho laga dhigo nin ka soo jeeda Maamulka K/galbeed.

Waxa  kale oo uu Madaxweyne Shariif Xasan wajahayaa in isaga loo qaado Codka Kalsoonida ee ay wadaan Xildhibaanadda  isaga ku eedeynaya inuu ku fashilmay Talada uu hayo ee Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed.

C/kariim Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Galmudug  waxa uu muddo dheer jaal la ah Madaxweynaha haatan ee DFS, Xasan Sheekh  Maxamuud.

Labadooda waxay ka yimaadeen isku Xisbi Siyaasadeed, waxaana la sheegaa inuu Madaxweyne Xasan gacan ku lahaa sidii Guuleed ugu guuleysan lahaa Madaxweynaha Galmudug, kadib, markii uu iska casilay Xilkii Wasiirnimo ee Xukuumadda Federalka, isagoo Xildhibaanadda kala kulmay cadaadis daran.

Haatan. Waxa uu haystaa 36 Xildhibaan oo ka yimid Galmudug, inkastoo uu mucaarado xooggan kala kulmayo Cadaado.

Xildhibaanadda Barlamaanka Galmudug waxay ku sii kordhaya walaaca xooggan ee ay ka qabaan  doorka C/kariim Xuseen Guuleed ee Ololaha  Xasan Sheekh iyo inuu ku bixinayo Kharajkii loogu talagalay Horumarinta Galmudug.

Waxa uu ku naaloonayaa Taageeradda uu ka haysto Xasan Sheekh marka ay timaado Codka Kalsoonida.

C/kariim Xuseen Guuleed waxa uu sheegaa inuu yahay ninka maamula Dhaqaalaha Ololaha Doorashadda ee  Xasan Sheekh.

Madaxweynaha  Maamulka curdanka ee Hirshabelle, Cali C/llaahi Cosoble  waxa uu Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid ka helay taageero markii uu u tartamayey inuu noqdo Madaxweynaha HirShabelle.

Cali C/llaahi Cosoble waxa uu sheegaa inuu taageersan yahay Xasan Sheekh, balse waxa uu si qarsoodi ah u taageeraa Cumar C/rashiid, sida ay sheegen ilo isaga aad ugu dhow.

Waxaa la sheegay inuu Heshiisyo kala duwan la galay Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid, iyadoo Murashax kasta rajeynayo Taageeradiisa.

Afarta Murashax ee ugu sarreysa Murashixiinta Madaxweynaha ayaa kala ah: Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Murashax Farmaajo ayaa loo arkaa inuu yahay Murashaxa keliya ee ugu sareeya oo aan wax taageero ah ka helin mid ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad-gobaledyadda.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment