5250 Views

Xeeladda uu adeegsaday Musharax Jabriil oo maanta lagu soo baraarugay

Xeeladda uu adeegsaday Musharax Jabriil oo maanta lagu soo baraarugay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | February 7, 2017 – Olololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maraya saacadihii ugu dambeeyey, waxaana iminka muuqaneysa sida musharaxiinta ay u kala rajo badan yihiin, iyo heerka taageerada ay ka haystaan xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Muqdisho laga dareemayaa miro-dhalka ololihii socday muddada dhowrka bilood ah.

Xeelad uu muddo adeegsanayey musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa musharaxiinta kale ay maanta kusoo baraarugeen, una muuqata mid shaqeysay oo taageeradeeda ay maanta soo shaac baxday.

Jabriil Ibrahaim cabdulle, ayaa waxa uu musharaxiinta kaga duwanaa inuu xildhibaanada ula kulmayey shaqsi shaqsi, oo anau xaflado iyo qado badan qaban sida musharaxiinta qaar, waxaana maanta Muqdisho laga dareemayaa taageero xooggan oo uu haysto.

“Xildhibaanka wuxuu ku sharfan yahay in shaqsiyan loola kulmo oo laga dhaadhiciyo qorshaha dalka iyo dadka loogu talo-galay, waana taas waxa aan sameynay” waxaa sidaas yiri ololaha musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle.

“Musharax qado noo sameeyaa, waxaa nooga qiimo badan musharax shaqsiyan noo qaabila oo ajendihiisa noo soo bandhiga” Waxaa sidaas laga soo xigtay dhowr xildhibaan oo hotel Jazeera kula hadlay Caasimada Online.

Xeeladda Jabriil ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa inuu beegsaday xildhibaanada dhallinyarada ah iyo kuwa aqoonta leh ee dareemi kara saameynta codkooda ku yeelan karo mustaqbalka Soomaaliya.

Inkasta oo maalinta doorashada ay dhici karaan wax walba, haddana waxaa maanta xarunta ololaha Jabriil laga dareemayaa kalsooni aad u ballaaran.

.

.

Xigasho: Caasimada Online

 __________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment