4587 Views

Farmaajo oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya

Farmaajo oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | February 8, 2017 – Madaxweynaha Somaliya,  ayaa waxaa noqday Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ka dib markii uu tanaasulay Xasan Sheekh Maxamuud, wareegii 3-aad, markii loo gudbi rabay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadlay, ayaa sheegay inuu muujiyay tanaasul ku aadan inuu tartamo wareega 3-aad, sidaasi awgeedna waxaa Madaxweynaha dalka noqday Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Dalka, Abukaate Ibraahin Iidle Suleybaan, ayaa dhaariyay Madaxweynaha cusub ee dalka, waxaana lagu dhaariyay dhaarta Dastuurka.

Rasaas, ayaa ka dhaceysa Magaalada Muqdisho iyo dabaal deg xoogan oo ay sameynayaan dad isugu soo baxay Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa ay ridayaan rasaas xoogan oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan Madaxweynaha cusub.

.

.

.

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment