5496 Views

Madaxweyne loo doortay Qarannimo

Madaxweyne loo doortay Qarannimo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | February 9, 2017 – Bulshada Soomaaliyeed waa baa u baryey bilicsan maalin boqran, waayo waxay yegleeleysaa manta oo ay taariikhdu tahay 08/02/2017 Madaxweyno lagu doortay Qarannimo, waa sida uu DFKMG ah uu dhigayo, taasoo uu tabanaayay Shacbiga Soomaaliyeed ee sida ku cad Qodobka 87aad faqradiisa 1aad oo si waafi ah u sheegaaya in Madaxweynahu uu yahay:

  1. Madaxa Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya;
  2. Astaanta midnimada Soomaaliya (Calanka Baluuga ah ee leh shanta xiddig ee leh midabka caddaanka oo ka tarjumeysa nabad iyo nolol aan kala maarmin);
  3. Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’ida Dastuurka.

Alle ka sakoow Qaranimada awoodda Soomaaliyeed waxay u sugnaatay waxa Shacabka la gudboon (Mabda’a Aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed), oo ay ugu wakiisheen Xildhibaanadooda ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo wada jira inay ku doortaan Madaxweyne leh astaamahas kana tarjumaaya si aan dahsooneyn rabitaanka Shacabka.

Haddaba Madaxweynahaas Qarannimo oo ka tarjumaaya rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed ayay doorteen Baaarlamaaka Soomaaliyeed, kaasoo noqday sideey rabeen Shacbiga Soomaaliyeed oo Allenna ku garabgalay, daah igama saarnee waa Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Formaajo, oo noqon doona Astaantii Qaranka iyo midnimada Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Soomaaliyeed ee guddoonkiisa ku doortay si xalaal ah oo aan cidna saluugin ma qaldamin, mana noqon sidey Shacbiga Soomaaliyeed uga barteen Barlamaanadii tagay oo aan ka tarjumi jirin rabitaanka Shacbiga Soomaaliyeed, hase yeeshee kani waxaa uu noqday muraayada rabitaanka Shacbiga Soomaaliyeed, wuxuuna doortay ama siiyay akhlabiyada rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed.

Waa lagama maarmaan in diirada la saaro sida ay ku yimideen Barlamaanka aan ka hadleyno oo ka kooban 329 xubnood oo ka kala tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Gurtida Aqalka Sare oo aanu shacbiga soomaaliyeed kalsooni buuxda ku qabin imaashahooda iyo sidii lagu soo doortay, hadanna natiijadoodu waxay noqotay mid ay ku farxeen dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed meel kasta ama Gobol kasta ama dowlad Gobaleed kasta oo ay joogaan.

Sidaas darteed Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Formaajo waxaad garowsataa in Shacbiga Soomaaliyeed uu kaaga fadhiyo inaad noqoto Madaxweyne Qarannimo oo Shacbiga Soomaaliyeed si kasta oo ay ahaataba u siman, kheyr iyo khasaaro.

Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Formaajo, xilkaan waa xil aad u adag oo aan ku koobneyn nin xil qaaday eed qaad, waayo Shacbiga Soomaaliyeed eed badan bey ka qabaan madaxdii soo martay oo aan sinnaba ugu hambeyn, sidaas darteed eed kale iney qaataan kuma gudboona Shacbiga Soomaaliyeed.

Haddaba rajada Shacbiga Soomaaliyeed ay sugayaan waa adiga Mudane Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Formaajo, waayoo Shacbiga Soomaaliyeed cidda ay ku taameysay iney samatabixiso oo ay u wakiilatay Baaarlamaanka Soomaaliyeed ayaa adiga ah, si kastaba Baarlamaanka Soomaaliyeed waa kaa fursan waayay rabitaanka Shacbiga Soomaaliyeed.

Sidaas darteed, ma jirto wax lagu eedaayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ee doortay adiga isagoo ka turjamaaya rabitaanka Shacbiga Soomaaliyeed oo ugu dabaal dageen meel kasta oo ka mid ah Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed, ee ka doorbiday isbedelka ay u baahan yihiin Shacbiga Soomaaliyeed iyo Dalka.

Si kastaba, Shacabka Soomaaliyeed oo ku jantay, iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed ee ku doortay waxay kaaga fadhiyaan Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Formaajo, inaad noqoto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaliya oo u noqda Shacbiga Soomaaliyeed si waafaqsan Qodobka 87aad ee DFKMG ah:

  • Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;
  • Astaanta midnimada Qaranka;
  • Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da Dastuurka;
  • U gutatid xilkaaga si waafaqsan Dastuurka iyo Sharciyada kale ee JFS.

 

Wabilaahi Towfiiq Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Formaajo.

farmaajo-4 farmaajo-3 farmaajo-2 farmaajo-1farmaajoXDS-5

.

Waxaa Qoray Avv. Cabdikariin Maxamed Soomaali.

_____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment