7176 Views

Madaxwayne Farmaajo muxuu wajihi doonaa ?

Madaxwayne Farmaajo muxuu wajihi doonaa ?
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 10 feb 2017 | Madaxwaynaha Cusub ee 8-dii bishii Febaraayo 2017 lagu doortay xaruunta Afisiyooni ee magaalada Muqdisho wuxuu ku yimid nidaam doorasho dadban oo ay baarlamaan soo xulanayeen shaqsigii xilkaa madaxtinnimada Soomaaliya lagu aamini lahaa, Doorashadiisii kedib waxaa dalka guud ahaan ka biloowday dabaaldegyo iyo damaashaadyo kuwaasoo lahaa fasiraadyo kala duwan.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ma aha shaqsi ku cusub siyaasadda Soomaaliya wuxuu ahaa Raisulwasaarihii Labaad ee dowladii Sheekh Shariif isagoo xilka hayay muddo lix bilood ku dhow is qabqabsi isaga iyo madaxdii dowladii KMG ahaydna uu xilkii ku waayay, waxaa la sheegaa inuu ahaa nin u roonaa ciidamada taasoo lagu micnayn karo inuu dadka Soomaalida ah tusinayay inuu ka soo jeedo reerkii xukuumadii Kacaanka ee Ciidamada xoojin jiray si ay xukunka xoog ugu haystaan, taasoo dadka Soomaalida ah qaarkood ka dhaadhacsan in hadii uu xilka qabto nin ka soo jeeda reerkaa uu noqon doono mid dhisi kara cudud ciidan oo xoogan.

Madaxwaynaha cusub ee Farmaajo dhibaatooyinka ku soo fool leh waxaad ka garan kartaa taageerada dhabta ah ee loo hayo iyo taageerada kajanka ah ee is dhex socda, waayo dadka qaarkii waxay ula muuqataa Riyo iyo arin aan cuntami karin in Nin ka soo jeedo beesha Mareexaan uu xilka Madaxtinnimada Soomaaliya Mar kale ku fadhiisto.

IMG_75321

Waxaa kale uu wajihi doonaa dhibka ugu Wayn ee uga imaan doona xulashada raisulwasaaraha beesha Hawiye oo qoladii uu ka soo xusho mooyaane inta kale ay tooshka ku ifin doonaan si arxan darro ahna social media-ha, baraha Warbaahinta iyo doodaha telefishanada gaarka loo leeyahay ay ka bilaaban doonto xagala daacinta maamulkiisa oo ka Yara nugul xukun ay horboodayaan Madax Hawiye maadaama xarunta maamulku ku shaqaynayo ay tahay Muqdisho.

Wuxuu kaloo wajihi doonaa falanqaynta dadka isaga ku hareereeysan iyo ilaaladiisa ama ciidanka amaankiisa sugaya iyadoo ay fududahay in la soo ogaado, islamarkaana uu Farmaajo ka soo jeedo reerkii amar ku taagleeynta darteed qarankii Soomaaliyeed ku dumay dhaqaaq noocaas ahina uu ku keeni karo inuu kiciyo dadkii xusuustaa ogaa ee ku wada sugan dunida dacaladeeda.

Dowladdaha deriska, Beesha caalamka iyo Amisom oo lagu sheego inuu yahay nin fikirkooda ka soo horjeeda iyaguna waxay abaabuli doonaan inuusan xukunkiisu hore u socon, waxayna isku dayi doona inay ku qasbaan culays kaga yimaada beesha Hawiye ee Muqdisho si ay iyagu hogaanka ugu qabtaan taangigii Ugandheeskana ugu qasbaan in amaankiisa lagu sugo.

Waxaan Illaah ka baryeeynaa inuu guuleeysto laakiin waxaa is dhex socda Nacayb-kii DAMULJADIID, Caadifad qabiil dad ku taageeraya iyo dad ku kajamaya intaba waana sadexda nooc ee damaashaadyadu u qaybsamaan.

_______________________

Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment