5139 Views

Axmed Madoobe oo shuruudo hordhigay Madaxweyne Farmaajo

Axmed Madoobe oo shuruudo hordhigay Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________

Kismaayo | February 13, 2016 – Madaxweynaha maamul goboleedka Juballand Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka dhawaajiyey inay jiraan shaqooyin badan oo looga fadhiyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe oo ka hadlayey sida uu Farmaajo howlahaas ku gudan karo ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay inuu helo taageero badan ka helo shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta weliba si gaar ah wuxuu u taabtay inay muhiim tahay in beesha Caalamka ay si weyn u taageeraan.

“Hadii la waayo taageero waxaa dhici karta in rajada ay qabaan shacabka Soomaaliyeed ay hoos u dhacdo, waxaa muhiim ah in Amniga laga lagala shaqeeyo dowladda, sababtoo ah hadii aanan ammaan jirin waxba ma soconayaan.”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan shacabka Soomaaliyeed waxay ku hanweynyihiin in dowladdiisa ay wax badan ka qabato arrimaha ammaanka iyo horumarka dalka.

 

.

Xigasho: Caasimada Online

_____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment