4203 Views

Madaxweynaha oo la Kulmay Hay’adaha Gargaarka iyo Beesha Caalamka, isla markaasna Dhambaal ka helay Amiirka Qatar

Madaxweynaha oo la Kulmay Hay’adaha Gargaarka iyo Beesha Caalamka, isla markaasna Dhambaal ka helay Amiirka Qatar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | 13 Feberaayo 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta qaabilay wufuud ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si ay uga wada hadlaan sida ay beesha caalamka uga qeyb qaadan karto gurmadka abaaraha.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay K/Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu duwaha arrimaha gargaarka ee Soomaaliya Mudane Peter de Clerq ayaa isku afgartay in si degdeg ah loo qabto kulan ay goobjoog ka yihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, hay’adaha gargaarka iyo guddiga gurmadka abaaraha kaas oo lagu lafa gurayo sidii kaalmo degdeg ah loo gaarsiin lahaa meelaha ay abaaruhu ku dhufteen.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Mudane Alexander Rondos iyo Danjire Veronique Lorenzo oo hormuud u ahaa wafdi ka socday Midowga Yurub, waxayna ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u xoojin lahaa taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyaan dhismaha hay’adaha amniga Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ka guddoomay Mudane Xasan Bin Xamza oo madax ka ah safaaradda Qadar ee Soomaaliya, hambalyadaas oo ay soo direen Amiirka Qadar Mudane Tamim Bin Hamad Al Thani, Ku Xigeenkiisa iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, waxayna u rajeeyeen madaxweynaha cusub ee la doortay inuu Alle u fududeeyo hawlaha culus ee horyaalla.

farmaajo-lakulmay-heyadaha-gargaarka-3 farmaajo-lakulmay-heyadaha-gargaarka-4 farmaajo-lakulmay-heyadaha-gargaarka-2

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment