6645 Views

MAXAA LA-GUDBOON MADAXWEYNE FARMAAJO !

MAXAA LA-GUDBOON MADAXWEYNE FARMAAJO !
____________________________________________________________________________

Muqdisho,12 February 2017 – Waxaa la gudboon Madaxwene Farmaajo waa inuu si aad uga fiirsadaa, kuna degdegin go’aanka magacaabista mansabka Wasiirka Koowaad,maxaa yeelay waa furaha guul uu ka soo hooyo ka mira-dhalinta xilkan culus ee Umadda iyo Qaranka uu u-qabtay. Degenaan taam ah iyo hubaalin buuxda waa inuu sameeyaa markuu qaadanayo go’aanka magacaabista Ra’iisul Wasaare madax ka noqda dawlad loo dhan yahay oo si cadaalad ah ugu adeegta maslaxada shacabka Soomaaliyeed , nidaamka dastuuriga ah iyo sharciga dalka u yaalana ku shaqeysa. Waa inuu helaa cid ay ka dhaxeyn karto wada shaqeyn buuxda, iyadoo uusan jiri doonin xad-gudub ka dhex dhaca labada mas’uul ee Xukuumadda u-sareeya.

Waa inuu ka feejignaadaa ku-durbaan tumid ku dhisan ka leexo qoladaas iyo reerkaas wax kuma laha hogaaminta dawladda sanadkan iyo anagaa daadinay wax walba ee indha-damuuq noogu dhiib magacawga Wasiirka Koowaad. Haday run sheegayaan oo ay dhab ka tahay, miyaaneey qabanin Madaxtinimada dalka oo dhan oo fursad hogaamin Madaxweyne u-helin sanado hore, maxayse ku soo kordhiyeen dalka intay maamulka madaxtinimada hayeen.Jawaabtu waa mid iska cad oo waa maya, marka waxaan ku leenahay Farmaajo dhab u-fiirso oo yaan laguugu shirqoolin inaad qaadato go’aan degdeg ah oo cawaaqib-xumo danbe kuu yeesha,sidii ku dhacday Madaxeynaha aad bedeleyso iminka iyo kuwii ka sii horeeyayba. horaan u-soo aragnay wixii dhacay iyo is-qabqabsigii Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaarihiisa…… filin kale Somali uma baahna, sidaan qabno.

Intaas kadib kolkaad Ilaahay talada saarato oo si wanaagsan ugu baaraan-degto mowduucaas isaga ah ,oo ay dhacdo inaad u-magacawdo mansabka Wasiirka Koowaad cidday doontaba ha noqotee shaqsi munaasab ku ah fulinta hawshaas, waxay nala tahay in lagaaga baahan yahay Madaxweynow inaad yeelatid sabar,siisidna xukuumaddaas iyo hogaankeedaba kalsooni buuxda, iyadoo la ilaalinayo protocol-ka iyo mas’uuliyadaha ay kala leeyihiin labda garab ee dawladda (Excutive Branch of Government : The President one side & the Cabinet on the other side) si looga mira dhaliya wadajir ahaan yoolka la higsanayo,ummadana wax loogu qabto.

Waa mid la wada ogsoon yahay xaaladda uu dalkeenu maanta ku sugan yahay haday noqon lahayd dhinacyada dhaqaalaha, sugidda amniga iyo taabagelinta siyaasadda dibedda. Laamaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dawladda siday u-dhan yihiin ayaan wax mushaar ah qaadanin muddo bilooyin ah.Siday ku dhacday ama ku dhici kartaa xaalad noocaas ah, waa maxayse mowqifka madaxda ogolaatay in xaalad noocaas ah ay ku dhacdo .Abaar daba dheeraatay oo mood iyo mool, dad iyo duunyo kala reebin ayaa dalka Soomaaliya siduu u dhan yahay ku habsatay sanadkan, oo nasiibdarro kuwii maamulka dalka u hayay ay dhegaha ka fureysteen.Waxay nala tahay inaad Madaxweynow muhiimad gaar ah arrinkaas siisid oo aad u-gacan haadisid dawladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee aad is-leedahay gacan bey ka geysan karaan , inta laga dhisayo dawlad Soomaaliyeed ka hor, waayo baahi iyo bugto kuuguma simaan nolol.

Dhanka kale, Waxaa nagu maqaala in Dawladdu ay ku tala jirto daabacaad lacag cusub oo shilinka Soomaaliga ah , sida laga soo xigtay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Mudane Bashiir Ciise Cali mar uu la hadlay dhowaan Idaacadda VOA-da. Waadna la socotaa in dalka uu ka jira hab dhaqan-dhaqaale oo si aad ah u-sed-bursaday maalkii umadda marka ay timaado maamulka & qaybinta kheyraadka dalku leeyahay ,mana filayo in cidina ay sheegan karto dawladnimo taam ah inta hay’adihii qaranku lahaa ay badankoodu albaabadu u-qafilan yihiin oo adeegyadii aas-aasiga ahaa ee loo baahnaa sida isgaarsiinta ,maaliyadda,caafimaadka,tacliinta iyo kuwa kale oo badanba ay gacanta ugu jiraan gacmo gaar ah, dadkii iyo dawladiina ay magan u-yihiin gacmahaas.Ma waxaad ogolaan doontaa inuu xaalku sidaas ku sii-socdo oo aad magac aan miisaan lahaynin wadatid, sidii kuwii kaa horreeyay, mise wax baad ka bedeli doontaa xaaladaas quracan, waa su’aal mudan in la is-weydiiyo oo dad badan madaxooda ka guuxeyso.

Sidoo kale garoonka dayuuradaha magaala madaxda iyo Dekadda Muqdisho waxay labaduba gacanta ugu jiraan maamulkooda shirkado ajnabi ah oo naas nuujin jiray madaxdii hore, arrinkaasna waa mid aan sinaba loo ogolaan Karin inay noqoto hab uu Madax kasta si gaar ah isugu naas-nujiyo iyadoo bulsha-weyntii baahan tahay, waayo waxaa jooga oo u-baahan dhalin soomaaliyeed oo ku shaqa la’ dalka, xaqna u-leh inay ka shaqeeyaan goobahaas.

Ugu danbeyn, waxaa qormadan kooban ku soo gunaanadaynaa inuu Madaxweynaha la doortay marnaba illoobin baaqii dhaxal galka ahaa ee loo soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo, kuna saabsanaa taabagelinta maqaamka Gobolka Banaadir iyo xaqiijinta xuquuqda ay lahaan jireen shacabka Xamar & Xamar-Daye, kaas oo weligiis ehel u-ahaan jiray maamulkiisa.

.

.

.

Source: Banadir.com

________________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment