3291 Views

Shir looga arinsanayo sidii loo midayn lahaa canshuuraha oo Nairobi lagu qabtay

Shir looga arinsanayo sidii loo midayn lahaa canshuuraha oo Nairobi lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Nairobi | 13, Feb, 2017 – Wasaarada Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku qabatay magaalada Nairobi kulan ay ka soo qayb galeen qaybaha maaliyadda ee maamul goboleedyada. Shirkaan ayaa looga doodi doonaa habka ugu fudud ee loo heli kara hanaan midaysan oo lagu qaado canshuuraha wadanka. Ka qayb galayaasha ayaa xooga saaraya sidii ay u qiimayn lahaayeen kala duwanaanshaha dhinaca canshuuraha iyo saamaynta ay ku leedahay hanaanka dhaqaale ee dadka.

Farxaan Cali Maxamuud oo ah xiriiriyaha guddigaan ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaani daba socdo kulamo soo socday sanadihii la soo dhaafay, kaasoo looga xaajoonayo sidii lagu heli lahaa qaab midaysan oo dekedaha, garoomada iyo meelaha kale ee wadanka wax ka soo galaan canshuuraha laga qaado looga dhigi lahaa kuwo isku mid ah, loona heli lahaa sharci guud oo wadanka ka dhaqan gala.

Sidoo kale agaasimaha dekedaha Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in muhimada arrintaani leedahay ay tahay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka, ayna tahay haddii la meel mariyo hanaan sharci oo dhinaca canshuuraha ah wadank oo dhanna ka dhaqan gala isla markaan xoojinaya isku xirka maamulka dalka.

Dhanka kale Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda ee maamulka Galmudug oo ka mid ah guddigaan ayaa dhankiisa u sheegay in ganacsiga dadka soomaaliyeed ka dhaxeeyaa uu ka madax banana yahay siysaasadaha iska soo horjeeda, balse in helo sharci guud uu xoojinayo xiriirkii ganacsi ee jiray.

Shirkaan oo soconaya afar maalmood, ayaa guddigu kaga doodayaa caqabadaha jira iyo sidii loo heli lahaa xal ay dhamaan maamuladu isla ogol yihiin. Shirkaan waxaa ka qayb galayaa agaasimayaasha wasaaraddaha maaliyadda ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Dawladda Federaalka. Waxaa sidoo kale jira khubaro ku takhasuustay dhinaca dhaqaalaha caalamiya oo talooyin farsamo siinaya guddigaan inta shirku socdo.

.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment