5751 Views

Siilaanyo oo fariin u diray Madaxweyne Farmaajo

Siilaanyo oo fariin u diray Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________

Hargeysa | February 12, 2017 – Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa mar kale soo dhaweeyay Doorashadda Madaxweynaha Somalia, Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Axmed Siilaanyo ayaa Doorashada ka dhacday Soomaaliya ku tilmaamay Doorasho lawada sugaayay, waxa uuna sheegay inay tahay mid guul u ah dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, ayaa hadalkaani sheegay mar uu ka hadlayey Shir ay Labada Gole ee Wakiilladda iyo Guurtida Somaliland ugu codeynayeen Heshiis ay Maamulka Somaliland iyo Dowladda Imaaraadka Carabta ku gaareen in Saldhig Militeri lasiiyo Dowlada Imaaraadka.

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Hambalyo kadib sheegay in Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo looga baahan yahay inaanu soo faragalin amuuraha maamulka Somaliland.

Wuxuuna sheegay in Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay inuusan faragalin kusoo sameyn howlaha maamulka iyo gooni iskutaaga Somaliland.

”Waxaan uga digayaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in uu faragelin ku sameeyo Midnimadda maamulka Somaliland”, ayuu yidhi Siilaanyo.

Mr. Siilaanyo waxa uu intaa raaciyay in Farmaajo looga baahan yahay inuu ogaado Xaqiiqda iyo Runta maamulka Somaliland, waxa uuna ku celcelshay in Somaliland ay tahay Dowlad kamadax-banaan Soomaaliya inteeda kale.

Wuxuu kaloo sheegay madxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Siilaanyo in Somaliland ay ilaalin doonto xoriyadeeda isla markaana aysan aqbali doonin in la faragaliyo Siyaasadeeda iyo arrimaha ku xeeran gooni isku taaga maamulka Somaliland.

Haddalka Madaxweyne Siilaanyo ayaa imaanaya xili Madaxtooyada maamulka Somaliland iyo Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka ay ku kala aragti duwan yihiin Dowlada Cusub ee Soomaaliya u curatay.

.

Xigasho: Horumar Online

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment