4185 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaal hambalyo ah ka helay Amiirka Dowladda Kuwait

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaal hambalyo ah ka helay Amiirka Dowladda Kuwait
____________________________________________________________________________

Muqdisho, February 16, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa guddoomay dhambaal hambalyo ah oo ka yimid Amiirka Dowladda Kuwait Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

Amiirka Dowladda Kuwait ayaa ku yiri dhambaalkiisa “ waxa aan kugu hambalyeynayaa xilka laguu doortay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kuu rajeynaya towfiiq iyo toosnaan”.

Amiirku waxa uu amaanay xiriirka wanaagsan ee labada dal ka dhaxeeya , isaga oo yididiilo ka muujiyay inuu sare noqdo iskaashiga wadaagga ah ee dhinacyada badan leh ee u adeegaya danaha labada dal.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dhambaal kale oo hambalyo ah ka helay Gudoomiyaha Ururka Kuwait ee Qoyska ku dayashada mudan ahna Gudoomiyaha naadiga hablaha cayaara, danjiraha idman Sheikha Fariha Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo guul, caafimaad qab, baraare iyo horumar u rajeysay Madaxweynaha iyo Shacabka Soomaaliyeed.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment