4386 Views

Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telefoonka Kula hadlay Boqor Salmaan

Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telefoonka Kula hadlay Boqor Salmaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho |15ka Febraayo, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadlay Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sucuud, waxaana boqorka uu ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii dhacday 8dii bishan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay iskaashiga dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, waxa uuna ka codsaday in la xoojiyo xiriirka labada dowladood ee walaalaha ah.

Madaxweynaha ayaa boqorka uga warbixiyay xaaladda abaaraha dalka ka jira iyo in Boqortooyada Sucuudiga ay ka qeyb qaadato sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee haatan ku nool duruufo aad u qallafsan.

Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa soo dhaweeyay codsiga Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in ay xukuumaddiisa ka qeyb qaadan doonto hawlaha loogu gurmayo dadka iyo xoolaha ku baaba’ayo abaaraha xun ee ka jira guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.
Dhammaad.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment