5856 Views

Madaxweyne Farmaajo oo Twitter-ka ku magaacabay xilal – ma habkii Trump baa?

Madaxweyne Farmaajo oo Twitter-ka ku magaacabay xilal – ma habkii Trump baa?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Febaraayo 17, 2017– Madaxweyne Farmaajo  ayaa farriin uu kusoo qoray Twitter-kiisa kaga hadlay xilalkii ugu horreeyey oo uu magacaabay shalay markii uu xilka la wareegay.

Madaxweynaha cusub  ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shalay xilal kala duwan magacaabay ayaa hadda bartiisa twitterka  kaga hadlay waxa ay ahaayeen xilalkaas.

Madaxweyana ayaa  Agaasimaha Guud ee madaxtooyada u magacaabay Dr. Cali saciid Fiqi oo hore u ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Brussels.

Sidoo kale – Dr. Cabdirisaaq Shoole ayaa u magacaabay  agaasime ku xigeynka madaxtooyada.

Halka uu  Siyaad Maxamuud Shire u magacaabay Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha.

haddaba Farmaajo ayaa bartiisa  rasmiga ah ee Twitterka kusoo qoray inay xilalkaas yihiin kuwa kumel gaar ah sida aaduba ka arki karto qoraalkiisa.

farmaajo-twitter-1

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment