3813 Views

Soomaaliya oo hawadeeda dib ula wareegtay

Soomaaliya oo hawadeeda dib ula wareegtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Febaraayo 17, 2017  – Waxaa Magaalada Montreal ee dalka Canada Khamiistii shalay ku kulmay madaxa ugu sareeya ururka ICAO Dr. Olumuyiwa Benard Aliu oo ah nin u dhashay wadanka Nigeria iyo Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangali) waxeyna ka wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa iibka qalabkii lagu hagi lahaa hawada Soomaaliya.

Sida la fahamsan yahay qalabka waxaa lagu xiri doonaa Sideed garoon diyaaradeed oo  ku yaala Soomaaliya iyo xarunta ay dowladda Somalia ugu talagashay in laga hago qalabkaan oo laga hirgaliyay garoonka Aden Adde International Airport.

Si kastaba qalabkaan cusub ee laga dalbay shirkad ku taala dalka talyaaniga wuxuu ka dhigayaa Somaliya iney yeelato tayo la mid ah dowladdaha dariska ah, mana jiri doonto tayo xumo dhanka xiriirka ah oo dhici doonta.

Kulankii dhexmaray Mr. Jangali iyo Dr. Aliu wuxuu ahaa mid guuleed waxeyna isla fahmeen inuu qalbkaan yahay mid dabooli doona baahi walba oo loo qabo xoojinta hawada, sidoo kalana ay Soomaaliya yeelan doonto awood ay xitaa kor ugu qaado lacagaha laga qaado diyaaradaha isticmaala hawadeeda, mana ka marna meesha in nabadgalyadu wanaagsanaan doonto.

Dhanka kale Dr. Aliu wuxuu carabka ku adkeeyay inuu dar-dargalin doonto kobcinta aqoonta shaqaalahii hore iyo kuwa cusub si ay Soomaaliya uga maaranto gacan shisheeye marka ay qalabka gacanta ku dhigaan.

Gabagabadii Dr. Aliu wuxuu balan qaaday inuu si dhaqso leh xog dhameystiran u siin doono madaxweynaha cusub Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

.

.

.

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment