3327 Views

Gudoomiye Jawaari: ‘Maxaabiista aan la xukumin waa in la sii daayaa…’

Gudoomiye Jawaari: ‘Maxaabiista aan la xukumin waa in la sii daayaa…’
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Febaraayo 21, 2017 – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa faray laamaha cadaalada Iyo Garsoorka dalka inay xabsiyada ka sii daayaan dadka aysan maxkamadaha soo xukumin ee iska xiran

Waxa uu sheegay muwaadinka Soomaaliyeed inuu leeyahay xuquuq aas aasi ah, islamarkaana uusan iska xirnaan karin, iyadoo aysan maxkamadi soo xukumin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somaliyed Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa wuxuu faray Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Saraakiisha maxkamada inay furaan gal dacwadeedka maxaabiista iska xiran, kuwii dambi lagu helana la xukumo, kuwii aanan dambi laheyna la sii daayo.

“Waxaan idin ku dhiiragelinayaa Taliyaha Asluubta iyo Xeer ilaaliyaha iyo maxkamada qof aanan xukuneyn ama aanan laheyn gal dacwadeed inuusan xabsiga ku jirin, muwaadinka xaqiisa iyo xuquuqdiisa in loo celiyo oo la baaro waaye.” Ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Hadalkaan ayaa Guddoomiye Jawaari wuxuu ka sheegay xaflad uu shalay kaga qaybgalay Xarunta Xabsiga dhexe, taasi oo loogu dabaal degaayay ciidamada Asluubta Somaliya.

Xabsiyada dalka, ayaa waxaa ku jira muwaadiniin badan oo maxkamad aysan xukumin, kuwaasi oo iska xiran, waxayna u baahan yihiin helida Garsoor daacad ah oo dalka ka dhasha.

Soomaaliya meelaha ay ka liidato oo aad farta loogu fiiqo, waxaa ka mid ah arimaha Garsoorka dalka oo dhibaato badan ay ka taagan tahay, maadaama Hay’adaha Garsoorka hada shaqeeya aysan aheyn kuwa si cadaalad ah wax u xukuma.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment