3300 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ahmed Madoobe oo kulmay

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ahmed Madoobe oo kulmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Febaraayo 21, 2017  – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Somaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay hooygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoo gaarsiiyay Salaan iyo bogaadin uu uga siday shacabka reer Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbalan ayaa Madaxweynahii hore ee Somaliya uga mahad celiyay sida uu ugu dhiiraday isbadalkii dalka ka dhacay iyo in Dowladnimada Somaliya ay sii socoto.

Axmed Madoobe ayaa Xasan Sheekh Maxamuud uga mahad celiyay intii uu talada dalka haayay wada shaqeyntii soo dhexmartay iyo sida kaalin muuqata uu uga soo qaatay Madaxweynihii hore dhismaha maamulka Jubbaland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo beri la filaayo inuu ka qaybgalo xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dalka oo maalinta Beri ah dhaceyso.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in taariiqda ay xusi doonto Madaxweynihii hore ee dalka, maadaama si aanan horay looga baran Madaxweynayaashii dalka soo maray uu tanaasul u sameeyay wareegi labaad ee doorashada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay ku booqday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha Cusub ee JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Labada Madaxweyne oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wada hadlay xaalada uu dalku marayo gaar haan isbadalka ku yimid Siyaasada dalka iyo qaabkii Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay u wada shaqayn lahayeen.

Kulankaasi oo macluumaad dheeraad ah aanan laga helin, ayaa ku soo dhamaaday jawi Nabdoon.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment