5070 Views

Jaaliyadda Atlanta oo soo dhaweeyey doorashadda Madaxweyne Farmajo

Jaaliyadda Atlanta oo soo dhaweeyey doorashadda Madaxweyne Farmajo
____________________________________________________________________________

 

Atlanta, GA | Febaraayo 23, 2017 – Xaflad ay si heer sare leh u abaabuleyn Guddiga Jaaliyadda Somali-American oo ay ku soo dhaweynaayeen doorashadda Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmajo ayaa lagu qabtaya Magaaladda Atlanta ee cariga Mareykanka,waxaana xafladaasi ka soo qeyb galay dhamaan bulshadda reer Atlanta oo kala ahaa Hooyooyinka,Odayaasha,Dhalinyaradda,Guddiga Isboortiga,Guddiga Hooyooyinka,Ganacsatada.Duqa Xaafadda Clarston(Clarston Mayor) iyo ha’aydo kala duwan oo ay gacansaar leeyihiin Jaaliyadda Atlanta.

somali-atlanta-farmaajo-3

Waxa ugu horeyntii halkaa khudbad taarikhi ah ka jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali_American Center Mudane Inj. Cumar Shiikhey iyo Dr. Maxamed Cali Nuur oo hore u soo noqday Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Xananadda ee dawladii Militariga aheyd ee Soomalia,waxayna labadan Mudane ka hadleen dawladihii soo maray qaranka Soomaaliyeed laga soo bilaabo markii aan xornimadda qaadanay oo ku beegneyd 1960-2017,iyago si qoto dheer uga hadlay waxqabadkii dawladahaasi,waxayna sheegeen in dawlad kastaba ay maamulka Ummadda Soomaaliyeed ay soo gaarsiiyeen mansab u fududeynaayo kan xilka la wareegaayo,iyado maanta sida la wada ogsoon yahay uu Madaxweynanimadii uu ku guuleystay Mudane Maxamed Cabdulaahi farmaajo oo shacbiyad badan iyo soo dhaweyn ka helay Ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay jooagaan,waxaana ay ku booriyeen dadweynaha reer Atlanta in ay garab istaagaan Madaxweynaha cusub waayo qof kaligii kama gudbin karo Ummadda Soomaaliyeed waxyaabaha hor yaal,waxayna ugu dambeyntii ay hambalyo u direen Madaxweynaha cusub iyago Ilaah u baryey in uu u fududeeyo howsha baaxadda weyn ee hortaal,waxaana halkaa loogu tumay sacab iyo mashxarad ay qiiro Soomaalinimo ku dheehantahay.

somali-atlanta-farmaajo-6

Waxa xafladaasi ka hadlay Dr. Cali Macalin,Adeer Jaamac,Cabdi Isaaq,Ganacsade Maxamed Suufi,Cabdikarim iyo Cabdiraxiim Shiino,waxayna si qiiradeysan diiradda u saareen hawlaha maanta laga doonaayo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan,gaar ahaan kuwa reer Atlanta iyagoo sheegay in loo baahanyahay in gacmaha la isqabsado taageero buuxdana lala garab istaago Dawladda maanta Ummadda Soomaaliyeed u dhalatay taa oo ay Ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan sacabka u tumay,iyagoo muujiyey in ay diyaar u yihiin in ay hiil iyo hooba ay la garab taagan yihiin,waxayna ugu dambeyntii Mudanayaasaan halka ay ku tusaaleyen habka ugu wanagsan oo loo garab istaagi lahaa Dawladda maanta noo dhalatay.

Odayaasha Atlanta

Waxa ugu dambeyntii shucladii habeenkaas shiday Hablaha kala ah Seynab warsame Cali iyo Khadro Xeydar oo dadkii oo dhan geliyey qiiro Soomaalinimo,iyagoo ka sheekeeyey doorkii ay haweenka Soomaaliyeed ku lahaayeen xoriyadii iyo madaxbanaanidii Ummadda Soomaalityed ay gaareen 1960kii,waxay farta ku fiiqeen in Dumaraka Soomaaliyeed ay mar kastaba hormuud u ahaayeen dawladihii ummadda Soomaaliyeed soo maray,waxayna ballanqaadeen in ay garab iyo gaashaanba ay u noqon doonaan Dawladaan hadda dhalatay,waxay hees iyo buraanbur ku sheegeen in ay dawladani tahay middi Ummadda Soomaaliyeed ka bixin laheyd dhibaatooyinkii la soo maray,waxay ugu dambeyntii ka codsadeen ummadda Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan in ay gacmaha isqabsadaan kana feejignaadaan cadawga Dibadda iyo midka Gudaha,waxana halkaa lagu qaaday heestii caanka aheyd ee SOOMAALIYEY TOOSA,TOOSA ISKU TIIRSADA,HADBA KIINA TAAG DARAN TAAGEERA WALIGIIN,waxayna halkaa ku kasbadeen sacab iyo alalaaso.

Waxa hafladaasi goob joog ka ahaa Guddiga Isboortiga oo kala ahaa Dr. Cali Cusmaan Cali,Aweys Fundi,Caydiid Jeenyo,Cali Mataan,Kaafi,Mow iyo Tafare,waxayna Xafladii ku soo dhamaatay si farxad leh oo ay ugu dambeyntii ka soo qeybgalayaashii ay isu Hambalyeeyen,laguna gabagabeeyey Xafladii.

.Xubanaha guddiga Community-ga Atlanta Ted Terry somali-atlanta-farmaajo-7 somali-atlanta-farmaajo-5 somali-atlanta-farmaajo-4 somali-atlanta-farmaajo-2Mohamed Suufi Aba-Sheekh Guddiga Sports-ka Atlanta Ardayda somali-atlanta-farmaajo-1 somali-atlanta-farmaajo-4

GUULEYSO FARMAAJO

_________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment