5379 Views

Ma runbaa in Madaxweyne Farmaajo amray in safaaradaha deggan Villa Soomaaliya ay ka guuraan?

Ma runbaa in Madaxweyne Farmaajo amray in safaaradaha deggan Villa Soomaaliya ay ka guuraan?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Febaraayo 23, 3017 – Ilo muhiim ah oo lagu kalsoon yahay oo dhow Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu amar ku bixiyay in Safaaradaha dhexdagan Villa Somalia ay muddo kooban uga guuran Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in amarkaani uu soo saaray kadib markii uu kulan khaasa la qaatay Safiirada ku dhex shaqeeya Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa Safiirada ku amray inay dhistaan Goobaha loogu tallo galay ee dhulka laga siiyay, waxa uuna go’aankiisi sabab uga dhigay in Magaalada Muqdisho ay tahay mid xasiloon isla markaana aysan munaasib aheyn in Safaaradaha Ajnabiga ah ay dhex degnaadaan Madaxtooyada looga arrimiyo dalka.

Safaaradaha dhex degan Villa Somalia oo dhowr ah ayaa la sheegay inay kamid yihiin Safaaradaha Ethiopia iyo Jabouti, waxaana la xaqiijiyay in Safiirada iyo Mas’uuliyiinta uu Madaxweynaha arrintaani kala hadlay ay aqbaleen amarka Madaxweynaha.

Dowlada Ethiopia ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay Safaarad ku dhex laheyd Villa Somalia, taa oo la sheegay inay halis galinkarto Qaranimada Somalia.

Amarka Madaxweynaha kadib ayaa waxaa talaabadii ugu horeysay qaaday Dowlada Jabouti oo Madaxweynaheedu maanta dhagax dhigay dhulka Safaarada ay degi doonto.

Si kastaba ha’ahaatee, dowlada Ethiopia ayaan wali qaadin talaabo ay ku dhisaneyso Safaaradeeda maadaama amarkaani uu saameyn ku yeeshay.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment