3876 Views

Dibad bax lagu taageerayo R/wasaaraha cusub oo saaka ka socda Muqdisho

Dibad bax lagu taageerayo R/wasaaraha cusub oo saaka ka socda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Dibadbax ballaaran oo ay ka qeybqaadanayaan dadweyne ka kala socda degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka ka socda magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, iyadoo dadweynaha ka qeybqaadanaya ay wataan boorar ay ku qoranyihiin halku dhigyo muujinaya taageerada ay u hayaan R/wasaare Kheyre.

Dibadbaxayaasha oo socod ku soo maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, ayaa isugu soo uruuraya fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere. halkaasoo la filayo iney kula hadlaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Wixii ka dambeeyay markii madaxweyne Farmaajo uu R/wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa isa soo tarayay taageerada ay bulshada Soomaaliyeed u muujinayaan R/wasaare Kheyre.Banaanbax_Kheyre Banaanbax2

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment