4905 Views

Ra’isul Wasaaraha lamagacaabay oo lakulmay Safiirka UK ee Soomaaliya

Ra’isul Wasaaraha lamagacaabay oo lakulmay Safiirka UK ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Febaraayo 24, 2017 – Ra’isul wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya Xasan Kheyre ayaa la kulmay Divid Concar oo ah safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.

Kheyre waxaa uu sheegay in safiirka uu kala hadlay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa.

Kulanka ayaa imaanaya maalin kadib markii la magacaabay Xasan Kheyre iyo labo maalin kadib markii dalka Ingiriiska uu 100 Milyan oo Geni ugu deeqay Soomaalida si wax looga qabto dhibaatada abaaraha ee ka jira Soomaaliya.

Dhinaca kale, Xasan Kheyre waxaa uu iska casilay shaqadii iyo saamigii uu ku lahaa shirkadda Som oil and Gas, shirkaddan uu u ahaa agaasimaheeda geeska afrika, isla markaana uu ku lahaa ilaa 2 Mliyan oo dollar.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dibad baxyo lagu taageersan yahay magacaabista ra’isul wasaaraha, waxaana sidoo kale soo dhaweeyay dhammaan maamul goboleedyada dalka ka jira.

Xasan Kheyre waxaa laga filaa maalmaha soo socda in uu anisixin ka helo baarlamanka kadibna soo magacaabo xukuumad cusub oo wax ka qabata aragti uu sheegay Farmaajo in uu dalkan ku maamuli doono.

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment