5325 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Dib U Soo Laabtay – iyadoo wax jid ah aan loo xirin

Madaxweyne Farmaajo Oo Dib U Soo Laabtay – iyadoo wax jid ah aan loo xirin
____________________________________________________________________________

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalladda Muqdisho, kadib, markii uu soo dhamaystay Booqasho Rasmi ah oo uu ku tegaay dalka Scauudiga.

Isla markii uu Madaxweynaha ka soo degay Garoonka Aadan Cadde, waxa uu Xildhibaanadda iyo Wasiiradii soo dhaweyn lahaa u sheegay inay qabtaan hawsha ay Bulshadda ka sugayso.

Ciiddankii Salaan-sharafta laga qaadan jirey ee safka dheer geli jirey waa la joojiyey, wuxuuna Madaxweynaha si toos ah u aaday Villa Somalia, iyadoo aan Waddooyinka muhiimka la wada xirin.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Socdaalkiisa Koowaad ku tegay dalka Sacuudiga, tan iyo markii xilkaasi loo doortay, wuxuuna Boqor Salmaan Bin C/casiis ka helay Casuumaad.

Labada Hoggaamiye waxay yeesheen Kulan Khaas ah oo ay kaga wada hadleen Taageeradda Sacuudiga ee Dowladda Madaxweyne Farmaajo,  Xoojinta Xiriirka Labada Waddan, Xaalladaha Mandiqadda iyo sidii ay Sacuudiga gacan uga geysan lahaayeen Dhaqaalaha, Ammaanka iyo wax-u-qabashadda dadka ay saamaysay Abaaraha iyo Macluusha ka jirta qeybo ka mid ah Somalia.

Madaxweynaha waxa uu soo gutay Waajibaadka Cimradda, wuxuuna saakayto ka soo dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee King C/casiis ee magaalladda Jeddah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment