2646 Views

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta Baarlamaanka Puntland

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta Baarlamaanka Puntland
____________________________________________________________________________

Garowe | Febaraayo 27, 2017 – Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kumaandooska iyo Daraawiishta Puntland ayaa saakay la wareegay xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe iyo Wasaaradda Maaliyada Puntland.

Ciidankaan la wareegay gacan ku haynta Xarunta Baarlamaanka Puntland, waxayna xirteen guud ahaan wadada horumarta xarunta Baarlamaanka.

Gaadiidka dagaalka ayeey wataan ciidamada Puntland ee la wareegay gacan ku haynta Xarunta Baarlamaanka oo ay ku sugan yihiin Xildhibaano aanan sidaasi u badneyn oo Baarlamaanka Puntland ka tirsan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada gadoodsan ee la wareegay xarunta Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyada ayaa ka cabanaya mushaar la,aan iyo xuquuqdoodii oo ka maqan.

Xaalada Magaalada Garowe ayaa ah mid kacsan, waxaana ciidanka ay iminka ku sugan yihiin xarumihii ay la wareegeen ee Baarlamaanka iyo Wasaarada Maaliyada.

Gadoodka Ciidamaan ayaa kusoo aadaya xili mudooyinkii danbe Ciidamada Puntland  iyo shaqaalaha dowladda aysan helin wax mushaar ah.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku sugan Magaalada Boosaaso, halkaasi oo la sheegayo inuu ka wado arimo ku aadan isbedel uu doonaayo inuu ku sameyo Golaha Wasiirada Puntland.

.

Xigasho: Horumar Online

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment