3189 Views

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha
____________________________________________________________________________

waabarigii hore ee isniintii maanta ayaa dab xoogan waxa uu ka kacay suuqa Bakaaraha gaar ahaan suuqa loo yaqaano Khaliifa.

dabka ayaa ku baahay dhismooyin badan oo ganacsi saacado badana qaatay damintiisa.

hanti badan ayaana la sheegayaa in uu baabiyay dabkaasi .

2-ruux ayaa lasoo sheegayaa in ay ku geeriyoodeyn mashaqadaasi hal-ruux kalena  dhaawac ayaa soo gaaray, gaadiidka Dab-damiska gobolka Banaadir ayaa markii dambe ku guulestay daminta dabkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaana suuqaasi kormeeray waxaana uu ka hadlay dabkaasi kacay.

Gudoomiye Jimcaale ayaa sheegay dib loo eegi doono sida uu  u dhisanyahay suuqaasi loona baahan yahay wadooyin gala suuqaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment