4527 Views

Isbarbardhig: Ciyaar Siyaasaddeedkii 1992 iyo 2017

Isbarbardhig: Ciyaar Siyaasaddeedkii 1992 iyo 2017
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Febaraayo 27, 2017 – Muhiimada ay taariikhdu leedahay waxay tahay in wax laga barto. Oraah muujineysa ujeeddada taariikhda ayaa waxaa laga qoray Abwaan Shube oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed wuxuuna yiri “Dib u eega taariikhda waa laga dab qaataaye.” Haddaba, qormadan waxay dib u eegeysaa ciyaar siyaasaddeedkii dhex maray labo beelood oo ka tirsan beelaha Soomaaliyeed. Waa labo beelood oo walaalo ah, sidoo kalena caan ka ah maslaxa siyaasadda Soomaaliya. Qormadan kama turjumeysa xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan wixii dhex maray labada beelood balse waxay ka turjumeysaa fahamkayga ku aadan wixii dhacay.

Ciyaartii 1992

Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Somaaliya, dalka wuxuu galay foodo iyo dagaal sokeeye, qaar ka mida dagaaladaas waxa uu dhex maray labadaas beelood. Dagaaladaas waxay yimaadeen markii awoodda siyaasadda dalka lagu doonay xoog iyo muruq iyo iyada oo meel layska dhigay Xeelad iyo Maan. Markii ay caadifadu shaqeysay balse caqligu uusan shaqeyn. Markii Nacaybku uu ka tiro batay jacaylkii ku kaydsanaa qalbiyadooda. Qof walba wuu garan karaa in ciyaartaasi ay ku dhammaatay eber iyo eber. Wixii dhacay 1992 waxay aheyd in wax badan laga barto, weliba in laga barto in midnimadu ay tahay awood siyaasaddeed.

Ciyaarta 2017

Ciyaartii hore waxay awoodda siyaasadda dalka ku dooneyn awoodda adag, balse ciyaartan dambe way ka duwan tahay tii hore. Markan waxay awoodda siyaasadda ku dooneyn awoodda jilicsan. Ciyaartan waxay aheyd mid aan dhiig ku daadan. Labadooda waxay maslaxa siyaasadda la yimaadeen siyaasad ka duwan tii hore. Markan siyaasadda waxaa loo arkay in ay tahay mid ku dhisan is jilaafeen iyo hagardaamo, balse meysan garan in siyaasaddu ay tahay ‘Yaa helay maxaa la helay.’ Waxaan filayaa in siyaasiyiinta ka tirsan labada beelood ay maanta ka shalaanayaan wixii dhacay. In maanta labadoodaba aysan gacanta ugu jirin awoodda siyaasadda dalka. Waxay aheyd in taariikhdu ay wax ka bartaan balse waxay dib ugu laabteyn 1992, markii nacaybka iyo caadifada wax lagu hoggaaminaayey. Sida tii hore, ciyaartan waxay ku dhammaatay eber iyo eber.

Tani waxay isoo xusuusisay sheeko dhex martay danyeer iyo labo bisad. Bari baa daanyeer meel socda wuxuu arkay labo bisad oo isku haysta xabad doolsho ah. Mid baa waxay tiri doolshahayga isii maxaa yeelay anigaa kaa hor arkay. Tan kale, iyaduna waxay tiri maya anigaa kaa hor qabsaday. Dagaal dheer kaddib waxaa u yimid danyeer, wuxuu is yiri bal ka faa’ideyso fursadan. Wuu kala celiyey kaddibna wuxuu ku yiri “Aniga ii dhiiba doolshaha si aan idin ku qeybiyo.” Durbadiiba gacanta ayay u galiyeen, kaddibna wuxuu sameeyey inta uu doolshihii labo u kala qeybiyey ayuu labada gacmood ku kala miisaamay, wuxuuna ku yiri “Labadooda iskuma dhigma mid ayaa weyn, kii weynaa ayuu dhinac ka cunay, markaas ayuu haddana ku yiri weli iskuma dhigma, mid ayaa weyn…” Sida uu marba u dhahaayey mid ayaa weyn, ayuu doolshihii wada cunay. Markii ay arkeen in doolshihii ay isku dagaaleyn laga dhex qaaday, ayay weydiiyeen maxaad sidaas u sameysay? Danyeerkii wuxuu ugu jawaabay walaalo dagaalay sidaan ayaa wax loogu qeybiyaa!

Haddaba, waxaan rajeynayaa in qof walba uu fahmay xikmada ay sheekadu leedahay iyo sababta aan u soo qaatay. Ma jecli in aan markale arko guul darradiina. Ma jecli in aan markale daawado jabkiina. Ma jecli in aan markale arko adinka oo kala qeybsan. Waxaan idin ku bogaadinayaa midnimo siyaasaddeed. Waxa idin mideeya ayaa ka badan waxa idin kala qeybiya. Waxaan aamminsanahay in aad tihiin dad wada dhashay, isku qalbi furan, is jecel, saaxiibo ah balse aan weli helin tababarayaal wanaagsan.

.

WQ: Hassan Mudane Postgraduate Student Member African Studies and International Relations Istanbul Ticaret University  homar.ahmed@istanbulticaret.edu.tr

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment