2889 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Baaq U Diray Beela Ku Dagaalamay Deegaanno Hoosyimaada Cadale

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Baaq U Diray Beela  Ku Dagaalamay Deegaanno Hoosyimaada Cadale
____________________________________________________________________________

Jowhar | Febaraayo 27, 2017 – Madaxweynaha  Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ee uu howlo shaqo u joogo ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Dagaal beeleedka ka dhacay deegaanno hoosyimaada degmada Cadale ee gobolka shabeelaha dhexe,Abaaraha ka jira deegaannada Hirshabeelle, iyo Golaha Wasiirada Hirshabeelle ee uu dhowaan Madaxweynuhu Magacaabay.

Ugu horeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay dagaal beeleedyo ka dhaca Guud ahaa dalka, isagoo wax lagu xumaado ku tilmaamay colaada deegaanno Hoosyimaada degmada Cadale ka soo cusboonaatay taasi oo u dhexeysa beela walaalaha ah oo halkaasi wada daga, waxaana uu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaaladaasi. isagoo Eebe uga baryay in Janatul fardowsa uu ka waraabiyo intii dhaawacantayna waxa uu u rajeeyay in caafimaad deg deg ah uu Alle siiyo, waxaana sidoo kale uu ugu baaqay dadkaasi in si shuruud la’aan ah ay u joojiyaan dagaalada.

“Si deg deg haloo joojiyo colaadaasi, waxaana odayaasha, Culuma’udiinka,iyo qeybaha kale duwan ee beelahaasi walaalaha ugu baaqayaa in nabadda ay qaataan oo ay ka hortagaan in mar kale dhiig u ku daato halkaasi, marna ogolaan meyno colaadaha noocaan oo kale ah in ay soo noq noqdaan qorshe ayaana nooga degan sidii looga hortagi lahaa colaadaha noocaan oo kale ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka hadlay golaha wasiirada Dowlad goboleedka Hirshabeelle ee uu dhowaan magacaabay, isagoo sheegay xubnaha golahaasi wasiirada in ay yihiin xubno ku yimid la tashiyo uu la sameeyay Xildhibaannada Hirshabeelle, iyo Xildhibaannada Federaalka Soomaaliya, talooyinkooduna uu ku soo dhisay golahaasi uuna rajeynayo in  ay yihiin kuwa hanan kara waajibaadka shaqo ee laga sugayo, waxaana uu xusay haddii tabasho ay jirto la saxi karo, laakiin aysan muhiim aheyn in Xildhibaannada ay warbaahinta ay ka naqdiyaan Xukuumadda aan soo dhisay, iyagoo ku sixi kara Waxa jira Baarlamaanka dhexdiisa.

“Sax Ma aha Xildhibaanka haddii uusan noqon wasiir in uu ka soo horjeesto Xukuumadani, Xildhibaanno mudnaa Wasiiro iyo Wasiir ku xigeenno in ay helaan way jiraan oo waxaan u hambeynay in shaqada baarlamaanka ay sii wadaan oo ay hogaamiyaan Gudiyada joogtada ee Baarlamaanka, Beesha aan helin wasiiro laakiin waxay heli doonaan Jagooyin kale sida Agaasima guud suura galna ma aha in cid kastaa wasiir laga dhigaa, Shaqo abuur ayaan sameyn doonaa insha’allah, Maamulkani waa mid cusub hala taageero oo hala garab galo oo aan taageerno waxqabadka muuqda yeynan ku mashquulin in wax la naqdiyo” ayuu hadalkiisa Raaciyay Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble soo hadal qaaday arrimaha abaaraha ka jira deegaannada Hirshabeelle ayaa sheegay in abaar daran ay ka jirto deegaanadaasi ayna muhiim tahay in gar gaar dhab ah lala gaaro dadka abaartu ay saameysay, waxaana qurba joogta ku abtirsada deegaanka maamulkani,Hey’adaha Caalamiga, iyo dowladda dhexe uu ugu baaqay in gurmad ay u fidiyaan dadka abaartu ay ku saameysay deegaannada Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa tan iyo markii Loo doortay Xilkani Madaxweynenimo qabtay howlo aad muhiim u ahaa sida Doorashada Xubnaha aqalka sare ku matala maamulka xili muddo kooban uun uu jiray, doorashada xildhibaannada Golaha shacabka oo jowhar lagu soo doortay taasi oo ku timid dadaal maadaama wax aad u yar ay ka dhinaayeen ka gudbitaanka xiliga kala guurka, Waxaana shaqooyinka uu soo qabtay maamulkani Hirshabeelle iyadoo caqabdo ay ku horgudbanaayeen la dhihi karaa waa Maamul Muujiyay howlkarnimo ay soo dhoweeyeen dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle
Directorate Of Media & Public Relation Office Of The President Hirshabeelle State Of Somalia

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment