3411 Views

Olole doorasho cusub o ka bilowday cadaado – Axmed Ducaale Xaaf ayaa ka mid musharixiinta ugu cadcad

Olole doorasho cusub o ka bilowday cadaado – Axmed Ducaale Xaaf ayaa ka mid musharixiinta ugu cadcad
____________________________________________________________________________

Magaalada cadaado ee xarunta KMG maamul gobaleedka Galmudug ayaa waxaa ka socda olole lagu doonaayo inn lagu soo doonaayo in lagu soo doorto hogaamiye cusub oo bedali doona C/kariin Guuleed. Ololaha lagu doonaayo hogaamiya cusub ayaa waxaa wada xildhibaanada maamulka Galmudug oo iyaga horey u sheegay inay xilka ka qaadeen mudane C/kariin Guuleed ka hor inta uusan ku dhawaaqin iscasilaadiisii.

Xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwan musharixiinta u taagan qabashada xilka maamulka Galmudug, waxaa la sheegaayaa in xildhibaanada qaar ayaa doonaaya in Axmed Ducaale Xaaf. Xildhibaanada qaar ayaa doonaaya in Axmed Ducaale Xaaf uu mudanyahay qabashada xilka hogaamiyaha maamulka Galmud isla markaana ay codka siin doonaan, halka xildhibaano kalena ay wataan musharixiin kale oo dhawaan shaaciyay inay u taagan yihiin qabashada xilka uu faarujiyay C/kariin Guuleed.

Xildhibaanada dooran doona hogaamiya cusub ayaa iminka ka magaalada cadaado ka bilaabay kulumo gaar gaar ah oo ay la qaadanaayaan musharixiinta ku sugan magaalada cadaado oo ay ku jiraan ganacsato dhaqaale heysta.

Xildhibaanada Galmudug ayaan wax mushaar ah qaadan tan markii ay doorteen C/kariin Guuleed ayaa hada u muuqanaya kuwo ka macaashaaya doorashada la filaayo inay ka dhacdo magaalada Cadaado. Lama saadaalin karo cida ay dooran doonaan xildhibaanada, waxaana lagu wadaa in xiliga doorashada ay go’aan ka gaarto Dowlada Federaalka Soomaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment