6483 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo noqondoona xildhibaan Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo noqondoona xildhibaan Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 1, 2017 – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu noqdo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ku dhow guddoonka baarlamanka.

Xasan ayaa la filayaa in lagu dhaariyo kulanka baarlamanka ee maanta furmaya, waxaana la dhaarin doona ka hor inta aysan xildhibaanada dhageysan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha uu magacaabay, oo codka kalsoonida loo qaadayo.

Xildhibaannimada Xasan Sheekh ayaa ku iman doonta qodobka 64-aad ee dastuurka Soomaaliya, oo dhigaya in qof kasta oo dalka madaxweyne ka noqda uu xildhibaan noqonayo, haddii aan xilka laga qaadin isaga oo aan waqtigiisa dhameysan.

xildhibaan-xasan-sheekh

Xasan ayaa baarlamanka ku noqn doona xildhibaankii 276-aad, waxaana sidoo kale xildhibaannimadiisa ay kursi dheeri ah u kordhin doontaa beesha Mudullood ee uu kasoo jeedo.

Xildhibaannimada Xasan Sheekh ayaa ah mid buuxda, oo uu la mid yahay xildhibaanada kale ee baarlamanka, islamarkaana aan ahayn xildhibaan sharafeed, sida dadka qaar ay hadal hayaan.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment