4560 Views

Mudanayaasha Baarlamaanka oo codka kalsoonida siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre

Mudanayaasha Baarlamaanka oo codka kalsoonida siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre
____________________________________________________________________________

 

 

Muqdisho | Arbaco | March 1, 2017 – Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod caqlabiyad leh kalsoonida ku siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo 23-kii February uu u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa furay kalfadhiga koobaad ee Baarlamaanka 10-naad, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida waxa uu khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka, isaga oo ka codsaday inay siiyaan codka kalsoonida, si uu u soo dhiso xukuumad u adeegta dalka.

ansixinta-RW_Kheyre-1

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in xukuumadiisu aysan wax dul qaad ah u yeelan doonin falalka la xariira Musuq maasuqa iyo wax is daba marinta, waxana uu yiri.

“Waxaan ballanqaadi doonaa in qofkii lagu helo falal musuqmaasuq ah laga qaadi dooono tallaabo sharci ah, mana jiri doono shakhsi sharciga ka sarreeya, taasna waxaad ka arki doontaan in dhammaan Ummaddu u sinnaan doonto sharciga hortiisa, iyadoon cidna looga haybaysanayn xilka iyo mansabka dawladeed ee uu dalka iyo dadka u hayo”.

Ra’iisal Wasaaraha oo ku guda jira khudbadiisa uu u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa mar kale yiri.  “Xukuumaddayda, waxaa hal-beeg u noqon doona Karti iyo Hufnaan, sidii hal-hayska u ahayd Ra’iisul Wasaarihii hore, Allaha u naxariistee, Mudane Cabdirasaaq Xaaji Xuseen.

ansixinta-RW_Kheyre-6

“Waxaa hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay gashay rajo wanaagsan oo keentay inay si buuxda u taageeraan Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”. Sidaas daraadeed, waa inaan rajada shacabka ka dhabeynaa, oo aan tusinaa waxqabad dhab ah oo ay isku haleyn karaan, si loo hanto kalsooninda ay shacabku u hayaan dawladdadooda”.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha ciidamada iyo xaquuqdooda ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadiisu muhiimad aad u weyn siin doonto daryeelka ciidamada kala duwan, si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.

ansixinta-RW_Kheyre-7

“Waaxaan fursaddaan qaaliga ah uga faaiidaysanayaa inaan si gaar ah ugu mahad celiyo Ciiddamada Amaanka oo har iyo habeen u taagan difaaca dalka iyo dadka, iyadoo aan qirayo in ay si nafti-huranimo ah ugu dhabar-adeegeen xaalado adag oo aysan naga mudnayn. Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo inaan geed dheer iyo mid gaaab u fuulo doono sidii ciidamada qaranku ay xuquuqdooda ugu heli lahayeen si joogto ah, waajibaadkoodana u gutaan si gobannimo leh”.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha abaaraha ee ka jira dalka ayaa yiri sidan.

“Sidaad la socotaan, waxaa dalka ka jira abaaro ba’an oo soo jiitamayay in muddo ah, kuwaas oo saameeyay malaayiin qoysas Soomaaliyeed. Waxay halis ku yihiin jiritaanka nolosha iyo duunyada. Waajib balaaran ayaa ka saaran Xukuumadda iyo shacabka in ay si wadajir ah wax uga qabtaan. Waxaan sii xoojinayaa iskaashi ka dhexeeyo, Xukuumadda, Guddiyada Abaaraha, hey’adaha samafalka iyo dalalka aan saaxiibada nahay si gurmad degdeg ah loogu fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

ansixinta-RW_Kheyre-2

“Si loo yareeyo waxyeellada iyo saameynta abaaraha, Xukuumaddu waxay la imaan doontaa qorsheyaal cadcad oo looga tabaabusheysto abaaraha soo laalaabtay” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khudbad u jeedinayay Golaha Baarlamaanka.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada ayaa xildhibaanada u xaqiijiyay inuu si dhaqso leh u soo dhisi doono xukuumad tayo leh, uuna wadatashi dhinac kastaba leh la wadaagi doono qeybaha ay khuseyso, si loo helo xukuumada ku fadhida matilaad buuxda iyo kalsoonida shacabka.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada codka kalsoonida buuxda leh ee ay siiyeen, waxa uuna yiri.

“Waxaad igu aaminteen xil iyo masuuliyad qaali ah, oo u baahan hufnaan, karti iyo daacidnimo, waxaana hortiina ka ballan qaadayaa wada-shaqayn dhow iyo wada-tashi joogta ah, si aan dhammaanteen habsami ugu gudanno waajibaadka na saaran, una xaqiijino waxqabadka Shacabka Soomaaliyeed nooga fadhiyo”.

ansixinta-RW_Kheyre-3 ansixinta-RW_Kheyre-5 ansixinta-RW_Kheyre-8

.

.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka

________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment