3231 Views

RW Ku-Xigeenka oo gudoomiyay shir heer sare ah oo looga hadlayay abaaraha

RW Ku-Xigeenka oo gudoomiyay shir heer sare ah oo looga hadlayay abaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | March 1, 2017 – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa gudoomiyay shir heer sare ah oo ku saabsanaa abaaraha oo uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ku dhawaaqay in abaaruhu yihiin Musiibo Qaran. Shirkan heerka sare ah ayaa waxaa lagu casuumay madaxda dawlada goboleedyada, hay’adaha caalamiga ah, Safiirada dalka ku sugan, xubnaha guddiga qaran ee gurmadka abaaraha, ganacsatada, iyo hay’adaha samafalka.

Mudane Carteh oo shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo wajahday abaar daran oo loo baahanyahay in si dhakhsi ah loo sameeyo gurmad.

“Maanta waxa aan u kulmeynaa in aan xal u helno musiibada abaarta si looga hortago in aaney macluul dhicin. ma dooneyno in sanadka dambe ay nagu soo noqoto dooddan ah sideen xal ugu helnaa abaarta, waxa loo baahanyahay in xal waara la helo oo lagu maareeyn karo masiibooyinka kana gudubno howlo dabdamis ah”.

Dhanka kale, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa sheegay in dawlad
goboleedyadu ka soo jeediyeen shirka, warbixino ku saabsanaa xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaamadooda.

“Warbixino ku saabsan gurmadka abaaraha ee dawlad goboleedyada ka socda ayaan ka dhageysanay madaxda maamulada iyaga oo soo gudbiyay baahiyaha ay rabaan in wax laga la qabto, waxaana ugu weyn in gargaarga deg-deg ah la gaarsiiyo dadka inta aysan soo barakicin. In beesha caalamku in ay taageerada maaliyadeed ay deg-deg u soo gaarsiiyaan lana fududeeyo bixinta lacagaha, in laga xoreeyo nabaddiidka deegaamadood ee abaartu ay ka jirto si loo gaadhsiiyo gargaarka”.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa hadalka ku soo gabagabeeyay in dadka Soomaaliyeed ay is caawiyaan oo ay ka qaybqaataan arrimaha gargaarka ee socda.

rwx-carte-abaaraha-2 rwx-carte-abaaraha-4 rwx-carte-abaaraha-8 rwx-carte-abaaraha-5 rwx-carte-abaaraha-6 rwx-carte-abaaraha-3 rwx-carte-abaaraha-7 rwx-carte-abaaraha-1

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment