5535 Views

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo Muqdisho soo gaaray

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo Muqdisho soo gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 4, 2017 – Waxaa goordhow Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo dagay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka Somaliyeed.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble iyo xubno uu hogaaminayo, ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada iyo Taliyayaal ciidan.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa la sheegay in uu casuumaad ka helay Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa Ugaas Xasan kala tashanaaya dhismaha xukuumadda cusub ee lagu wado in dhawaan lagu dhawaaqo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xooga saaraya sida dhismaha Golaha Wasiirada ay awood ugu yeelan lahaayen Odayaasha dhaqanka, iyadoo uu ujeedku yahay in laga feejignaado khilaaf iyo is qabqabsi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ku sugan Odayaal dhaqmeedyo dhowr ah, kuwaa oo la filaayo inay tallo ku yeeshaan go’aanka lagu dhisaayo Xukuumada cusub.

Ugaas-Xasan-4 Ugaas-Xasan-3 Ugaas-Xasan-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment