4185 Views

Xasan Sheekh oo maanta loo dhaariyay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka

Xasan Sheekh oo maanta loo dhaariyay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 4, 2017 – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xubin ka tirsan Golaha Shacabka.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa goor dhow lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka, oo uu kulan uga socdo Xildhibaanada, iyadoona ay kaga hadlayan abaaraha dalka ka jira.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan oo hadal ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in loo dhaariyo xubin Golaha Shacabka ka tirsan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uu lamid yahay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sida ku cad qodobka 64-aad, farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Qabyo Qoraalka, shakhsi kasta oo dalka madaxweyne ka noqda, marka uu xafiiska shaqada ka tegaayo uu noqonayo Xildhibaan Baarlamaanka ka tirsan, inta uu nool yahay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo looga adkaaday doorashadii 8-dii February ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejiyay Madaxweynaha la doortay, Maxamed C/laahi Farmaajo.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo, ayaa tallaabada xil wareejinta ku macneeyay mid taariikhi ah, waxaana uu Xasan Sheekh ku ammaanay in wax badan uu qabtay mudadii uu xafiiska joogay.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment