3903 Views

Xilalka Gudoomiya Gobolka iyo Duqa Muqdisho oo laka qaadi doono

Xilalka Gudoomiya Gobolka iyo Duqa Muqdisho oo laka qaadi doono
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 5, 2017 – Ilo wareedyo ku dhow xafiiska Madaxweynaha Jamhuuryda Soomaaliya  ayaa xaqiijinaysa in dhawaan la kala qaadi doono Xilka Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, oo muddo isku ahaa hal xl.

Dowladdii ugu dambeysay ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale (Yuusuf Boorsaani) ka dhigtay inuu yahay Guddoomiyaha iyo duqa Muqdisho waxayna aheyd arrin ay ka sinaayeen dowladihii ugu dambeeyey ee dalka Soo maray.

Ilo wareedyada ayaa sheegeya inuu madaxweynaha qorsheenayo sidii loo kala qaadi lahaa labadaan xil ee is korsaarnaan dhawaanahaan maadaama ay yihiin xilal muhiim ah oo mudan in la kala qaado.

Wararka ayaa sheegayo in duqa Muqdisho laga dhigi doono shaqsi kasoo jeedo Beesha Abgaal oo xilkaas dhawaan kala hadashay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxay xogtaan sheegeysaa in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo dhiibi doono shaqsi kasoo jeedo Beesha Shiiqaal maadaama dowladda cusub ay dooneyso inuu wadanka ka dhaco isbadal beeleed iyo mid siyaasadeed intaba.

Xilkaan Guddoomiyaha iyo Duqa Muqdisho ayaa xal xil isku ahaa dowladihii ugu dambeeyey ee soo mara Soomaaliya.

.

.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment