3555 Views

Madaxweyne Farmaajo oo kulan deg deg ah la yeeshay Taliyeyaasha Ciidanka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan deg deg ah la yeeshay Taliyeyaasha Ciidanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 7, 2017 – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay dhamaan Taliyeyaasha ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo wasiirka Amniga, waxaana madaxweynahu uu amray Taliyeyaasha Ciidammada inay gacanta ku soo dhigaan Askario shalay qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho.

“Ma loo dul qaadan karo in askarta ay dhibaateeyaan shacab oo ay dil u gaystaan halkii laga doonayay inay difaacaan.”ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen. Maxamed Aadan Axmed oo la hadlay Warbaahinta kulanka madaxweynaha ka dib ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askarigii shalay magaalada Muqdisho ku dilay Qofka shacab ah ee uu amray Madaxweynaha in la soo qabto.

“Waan haynaa Akarigaas iyo Askar kale, oo loo heesto xad gudubyo, waxaana horgaynaa dhamaantood sharciga, waxa ay ka helaan ayayna leeyihiin.” Sidaa waxaa yiri Taliyaha ciidanka xooga dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan Taliyeyaasha Ciidammada ay isku raaceen in ammaanka magaalada Muqdisho ay masuul ka yihiin Ciidammada Booliska iyo Nabad Sugida, ciidammada Milatarigana aanan lagu arki Karin magaalada Muqdisho hadii aanan looga yeerin shaqo.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa asna sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay inay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka si looga guuleysto kooxaha Nabad Diidka ah.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment