5601 Views

R/W Kheyre: “Fadlan ii madaxbaneeya inaan ciddii aan rabo kasoo xusho liiska aad soo gudbisaan”

R/W Kheyre: “Fadlan ii madaxbaneeya inaan ciddii aan rabo kasoo xusho liiska aad soo gudbisaan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 8, 2017 – Waxaa asbuuca soo socdo la filayaa inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si rasmi ah ugu dhawaaqo golihiisa wasiirada waxaana jirto la tashiyo uu la sameenayo beelaha Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha ayaa la filayaa inuu caawa soo gebagabeeyo la tashiyadaas si uu asbuuca soo socdo ugu dhawaaqo golaha wasiirada, waxaana hadda soo baxday laba qodob oo xasaasi ah oo uu Ra’isulwasaaraha hor dhigay dhamman beelaha Soomaaliyeed oo uu kulamada la qaatay.

Dhibaatada ugu weyn ee keentay inuu Kheyr go’aankaan qaato ayaa lagu sheegay inay tahay maadaama dhammaan xildhibaanadii matalay beelaha oo uu la kulmay ay ka codsaneyn inay mid kasta isaga siiyo wasiirada ugu muhiimsan.

Qodobka ugu horreeyo oo uu Ra’isulwasaaraha hor dhigay xildhibaanadii matalay beelaha soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in yahay in beel kasta ay keenaan liiska shaqsiyaadka ay rabaan in loo magacaabo wasiiro.

Qodobka labaad ayaa lagu sheegay inuu Ra’isulwasaaraha beelaha Soomaaliyeed ka codsaday inay u madax banaaneeyaan inuu ciddii uu rabo kasoo xusho liiskaas ay beelaha soo gudbiyaan.

Qaar kamid ah beelihii uu la kulmay Ra’isulwasaaraha ayaa durba u sheegay inaysan dhici karin inay beelaha isku raacaan hal liis taasna ay noqon doonto caqabad weyn, balse wuxuu Ra’isulwasaaraha ka codsaday inay codka siiyaan qofkii uu isaga soo magacaabo.

Waxaa laga warsugayaa sida ay isku ad gartaan beelaha iyo go’aanka uu qaadan doono Ra’iuslwasaaraha waxayna u muuqataa arrintaan inay tahay loolankii ugu adkaa ee loo galo golaha wasiirada .

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment