2976 Views

Shirkadaha Apple, Microsoft, Samsung ayaa war kasoo saaray warbixinta Wikileaks, Google & Linux waa ka aamuseen

Shirkadaha Apple, Microsoft, Samsung ayaa war kasoo saaray warbixinta Wikileaks, Google & Linux waa ka aamuseen
____________________________________________________________________________

Dhowr shirkadood oo la tilmaamay in CIA-da Maraykanku ay jabsadeen alaadohooda ayaa jawaab ka bixiyay warka lagu daabacay WIKILEAKS.
WIKILEAKS ayaa daabacday kumaanaan warbixin oo lagu tilmaamay in hay’adda sirdoonka Maraykanka ay horumarisay barnaamijyo wax lagu jaajuuso oo u sahlaya inay xogta kala bixi karto aladaha casriga ah sida teleefannada gacanta iyo shaashadaha wax laga daawado ee loo yaqaan smart TV oo leh  microphone wax lagu maqli karo.
Shirkadda Apple oo si faahfaahsan uga hadashay  warbixintii Wikileaks ayaa sheegtay inay goor horeba dadka u nugul weerraradaas oo kale uga digeen.
Shirkadda Apple ayaa tiri “Qalabka iPhone ee waqtigan la isticmaalo waa mid ka dhigan in ammaankiisu fiican yahay oo macaamiishu isku hallayn karaan, waana mid aan si joogto u dhowri doonno”.
Apple waxay kaloo tiri, “Qlabka iyo barnaamijyadeena waa kuwo u habaysan inay macaamiisheenu helaan horumarinta ammaankooda, ugu yaraan boqolkiiba-80 macaamiisheenu waxay adeegsadaan noocii ugu dambeeyay ammaan ee ay aaladeheenu ku shaqeeyaan”.
Waxay kaloo Apple leedahay, “Waxaan had iyo jeer kula talinaa macaamiisheena inay soo dajistaan noocyada ugu dambeeya ee barnaamijka iOS si aaladohoodu u noqdaan kuwa la jaanqaada barnaamijyadeena cusub ee aan ugu talo galany inay ammaankooda sugaan”
Sida lagu sheegay warbixinta Wikileaks shaashadaha Samsung nooc  F8000-Series oo leh USB ayaa u fududaatay in hay’adda sirdoonka dalka UK MI5 ay horumarisay barnaamij lagu jaajuusi karo dadka haysta shaashadahaas.
Samsung oo arrintaa ka hadlaysa waxay tiri, “Inaanu difaacno maamiisheena wixii khaas u ah oo ammaankooda aan sugno waa ahmiyadda ugu sarraysa”
Samsung waxay kaloo tiri, “Waan ka warhaynaa arrintan waana hubinaynaa xaaladda”
Hay’adda sirdoonka Maraykanka ayaa samaysatay barnaamij virus ah (malware) oo lagu bartilmaameedsaday computerada ku shaqeeya barnaamijka Microsoft Windos, sida warbixinta Wikileaks lagu daabacay.
Nin afhayeen ah oo u hadlay Microsoft oo arrintaa ka jawaabaya wuxuu yiri, “Waanu ka warhaynaa warkaas waana eegaynaa”.
Shirkadda  Google ayaa diiday inay wax tafaasiil ah ka bixiso warka sheegaya in CIA ay awood u yeelatay inay dhaaftay gudahana u gashay oo ay maamusho teleefannada ku shaqeeya barnaamijka Android.
Sidoo kale shirkadda Linux ayaan wali si cad uga jawaabin in hayadda CIA ay siday doonto u maamulan karto computerrada ku shaqeeya barnaamijka Linux.
.
.
ArlaadiMaxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway

Mjfaarah@gmail.com

________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment