3579 Views

Itoobiya oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

Itoobiya oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso, 09, 2017- Dowladda Itoobiya ayaa is bedel ku sameysay Safiirkeedii Soomaaliya joogay oo lagu magacaabo Wondimu Asamne, kaddib markii uu waqtigiisu dhamaaday.

Safiirka cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Mustafa Cumar oo horay u ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya.

Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA ayaa shaacisay in warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome lagu magacaabay Mr Jamaaludiin Mustafa Cumar.

Danjiraha oo ka soo jeeda dhulka dowlad deegaanka Soomaalidaa Itoobiya ayaa loo arkaa mid ay dowladda Itoobiya ku xoojineyso xiriirkeeda dhow ee Soomaaliya.

Sidoo kale Jamaaludiinka Mustafa ayaa waxaa uu yahay Wakiilka gaarka ah ee dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya.

Jamaaludiin ayaa noqonaya danjirihii labaad oo asalkiisu yahay Soomaali oo Itoobiya u soo magacawdo dowladda Soomaaliya, waxaa horay labo jeer Safiir u soo magacawday C/casiis Axmed Aadan oo ka soo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ugu danbeyntii, safaaradda Itoobiya ayaa ku taal xarunta Madaxtooyada, waxaa xusid mudan in dowladda Itoobiya saameyn siyaasadeed iyo mid militari intaba ku leedahay Soomaaliya.

.

.

________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment