3687 Views

RW Kheyre oo amray in lajoojiyo dhaqdhaqaaqa koontooyinka Bangiga dhexe

RW Kheyre oo amray in lajoojiyo dhaqdhaqaaqa koontooyinka Bangiga dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 9, 2017 – Akoonada Bankiga Dhexeay ay ku leeyihiin Gobolka Banaadir iyo Wasaaradaha  ayaa mar kale la xiray, kaddib amar rasmi ah oo ka soo baxday Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo gebi ahaanba lagu joojiyay in aan waxba lagala bixi karin akoonada Bankiga Dhexe.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maalintii saddexaad ay ka xiran tahay labo Akoon oo Gobolka ku leeyahay Bankiga Dhexe, kaasoo mid ka mid ah ay ku xarooto lacagtaa Gobolka Banaadir uu ka helo Dekeda Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in xayiraadan ay saameysay dhamaan howlihii caadiga ahaa ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in xayiraadan ay tahay mid ka duwan tii la saaray maalmihii kala wareega xilka ee Madaxweynaha cusub iyo Madaxweynihii hore, taasoo aheyd mid jirtay maalmo kooban, kaddibna dib loo fasaxay.

Sidoo kale warar kale ayaa iyana sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu uu amar ku bixiyay in la xiro dhamaan dhaq dhaqaaqa akoonada Wasaaradaha Xukuumadda ku leeyihiin Bankiga Dhexe iyo Xawaaladaha.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha ee xayiraada Akoonada Wasaaraddaha iyo Gobolka Banaadir ay tahay mid la xiriirta dhismaha Xukuumadda cusub, si aanay is daba marin u dhicin marka kala wareega Wasiirada cusub iyo Wasiiradii hore.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in Xukuumaddiisa ay la dagaalami doonto musuq maasuqa, isla markaana cid alla cidii lagu helo musuq maasuq sharciga la marsiin doono.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment