3297 Views

Soomaalida Koofur Afrika oo ogolaaday codsigii Madaxda ee dhinaca abaaraha

Soomaalida Koofur Afrika oo ogolaaday codsigii Madaxda ee dhinaca abaaraha
____________________________________________________________________________

Koonfur Africa | Maarso 9, 2017 –  Munasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayey Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu qabtay Magaalada Johannesburg ee Dalka koofur Afrika.

Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur afrika , odayaasha, dhalinyarada iyo qaar ka mid ah jaaliyadaha Ajnabiga ah ee ku dhaqan dalka Koofurka.

Masuuliyiintii ka hadashay Munaasabadii lagu taageerayey Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in ay aad ula dhacsan yihin dowlada Cusub,waxayna u rajeyey in ay ku shaqeeyaan daacadnimo iyo alla ka cabsi.

Dhanka kale waxa ay shaaciyey in ay si toos ah u aqbaleen dalabkii Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ee ahaa in loo gurmado dadka abaaruhu Saameeyeen,iyagoo sheegay in ganacsatada dalka koofur afrika in ay kaalin muuqato ka qaadan doonaan u gurmadka dadka abaaraha Saameeyeen.

.

.

.

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment