2886 Views

Jabhadda Koonfurta-Suudaan oo qafaashay 2 injineer oo u dhashay India

Jabhadda Koonfurta-Suudaan oo qafaashay 2 injineer oo u dhashay India
____________________________________________________________________________
Jabhadd mucaarad ah oo ku kacsan dowladda Koonfurta-Suudaan SPLA-IO ayaa caddaysay inay nolosha ku qabteen laba injineer oo u dhashay dalka India.
Waxaa labadaa nin laga qafaashay goob shidaalka laga soo saaro oo ku taala  koonfurta Guelguk ee webiga Nile-ka sare, markii dagaal kulul uu dhexmaray jabhadda & ciidamada dowladda.
Afhayeenka jabhadda, kornayl  William Gatjiath Deng ayaa sheegay in labadaa injineer oo lakala yiraahdo Ambross Edward & Muggy Vijaya Boopathy ay ka dhaga-adaygeen digniino ay jabhaddu u dirtay oo ahayd inaysan u shaqayn dowladda Koonfurta-Suudaan.
Kornaylku isagoo hadlaya wuxuu yiri,  “Inkastoo ay dhagaha ka furaysteen digniinta hoggaamiyeheenna, labadaan nin waxaa gacanta kusoo dhigay geesiyaasha SPL-IO  Khamiistii aan kasoo gudubnay  kaddib dagaal adag oo aan la galaynay rajiimka Juba.”
Saraakaal sare oo ka tirsan dowladda Juba ayaa wakaaladda wararka ee Koonfurta-Suudaan (SSNA) u sheegay in bishii January Delhi & Juba heshiis qarsoodi ah qalinka ku duugeen, heshiiskaasoo ahaa soo saarista shidaalka, wuxuu wadahadalku soo bilowday bishii November sanadkii tagay.
Nin u hadlay jabhadda mucaaradka ayaa sheegay in ciidanka jabhadda ay hoggaaminayeen Taliyaha guud ee jabhadda General Khor Chuol Giet & taliyaha ciidanka jabhadda Batbel Kuach, wuxuu afhayeenku tilmaamay inay jab xun gaarsiiyeen ciidamada dowladda oo ay ka dileen ugu yaraan 30-askari oo ay ku jiraan xoogagga taageera dowladda Koonfurta-Suudaan.
.
Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
Mjfaarah@gmail.com
_________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment