5085 Views

Tacsi, Diblomaasi sare Axmed Maxamuud Ibraahim

Tacsi, Diblomaasi sare Axmed Maxamuud Ibraahim
____________________________________________________________________________

March 13, 2017 | Muqdisho – Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer, Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Diblomaasi sare Axmed Maxamuud Ibraahim, Agaasime kuxigeenka Waaxda Carabta ee Wasaaradda oo March 13, 2017 ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Stanbul ee dalka Turkey, waxaanu u geeriyooday xanuun muddooyinkii dambe uu la dhibanaa.

Marxuum Ahmed Mohamud Ibrahim oo muddo 29 sano ku soo jiray howlaha diblomaasiyadda, ayaa waxa uu si rasmi ah kaga mid noqday howlwadeennada Wasaaradda sanadkii 1988.

Axmed Maxamuud oo ahaa diblomaasi aragti dheer oo fikirro cusub curiya ayaa sanadkii 1986 ka qaatay Shaahadada “Bachelor degree” ee kuliyadda Xiriirka caalamiga ee Jaamacadda “Sidi Mohamed Ben Abdellah University” ee Magaalada Fes ee dalka Morocco, kahor Jaamacadda waxa uu ka qalin jebiyay dugsiga sare ee Sheikh Sufi ee Muqdisho, waxa uu sidoo kale ka mid ahaa dufcaddii ugu dambeysay ee ka qalin-jebisay Akadeemiyadda daraasaadka diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya kahor bilooyin kooban inta aaney burburin Dowladdii Milatariga ee uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Sanadihii 2008 iyo 2010 waxa uu koorsooyin diblomaasiyadeed ku soo qaatay machadka daraasaadka diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Marxuum Axmed ayaa Waaxda Carabta ka noqday howlwadeen, kadib Madax qeybeed illaa uu ka gaaray darajada Agaasime kuxigeenka Waaxda.

Marxuum Axmed Maxamuud Ibraahim oo ku dhashay Caasimadda Muqdisho sanadkii 1957, waxa uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta lagu tiriyo tiirarka udub dhexaadka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda gaar ahaan waaxyaha siyaasadda iyo amniga.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo,hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment