5688 Views

WAR DEG DEG AH.

____________________________________________________________________________

March 13/2017

WAR DEG DEG AH.

Sakay abaarahii 10-kii subaxnimo ayaa HOTEL WEHELIYE hortiisa, ayaa gaari QARAX waday lagu dhuftay gaari kale oo sida la sheegay uu lahaa nin Wasiir ah oo ka tirsanaa dowladii Hore.

Qaraxan ayaa gaystay DHIMASHO, DHAWAC iyo MID DHAALE, waxaana halkaas gargaar deg deg ah ka gaystay dadweynihii ka dhawaa goobahaas.

Waxaa ah wax aad loola yaabo, Gurmadkii dowlada oo aad u soo dahay, taasina waxay cadeyn u tahay in aysan jirin CIIDAN iyo KALKAALIYAAL CAAFIMAAD oo loo diyaariyey markii ay dhacaan Masiibooyinka Noocan oo kale ah.

Aniga waxaan joogay goobta Qaraxa uu ka dhacay,Allaa Mahadleh waa ka badbaaday lakiin waxaa dhawacmay dad aan isku meel joognay, midna aan ogaalo qofkii tiisa dhamaato ayaa dhimanaya.

wixii warar ah ee ku soo kordha arintan, dib ayaan ka soo sheegi doonaa insha’allah.

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment